Xikmado Cajiib Ah ⁴ᴷ┇Xikmado ┇Qaybtii 2aad

Hordhac ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

Qormadaan waxaa ku sugan xikmado cajiib ah kuwaas oo noloshaada waxku soo kordhin doona, hadaad jeceshahay xikmado cajiiba ama aad xiisaynayso waxaan jeclaan lahaa inaad qoraalkaan akhriso kuna soo dhawoow qormadaan

Bilowga ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

xikmada 1aad ee xikmado cajiib ah : Inta lagu gudo jiro waqtiga roobku da’ayo, Dhamaan shimbiruhu waxay galaan guryahooda , lakin gorgorku wuxuu uduulaa xagga sare ee samada wuxuuna dhaafaa daruurtii biyaha keenaysay

Haa waa sax dhamaan shimbiruhu waxay isku qariyaan guryahooda oo looya qaan buulal markii roobku yimaado si ay uga gabadaan ama ay isaga qariyaan qabawga roobka , laakin hadaan ku dhaho kawran gorgorka oo isaguna shimbir ah wuxuu isticmaalaa awoodiisa ilaa heer uu ka gaarayo daruuraha korkooda oo uu dhaafaba, si uu xal uga gaaro dhibaatadaas haysata Casharka ugu weyn ee xikmadaan ku jira waa dhamaanteen caqabaduhu wey nasoo wajahaan, laakin waxaanku kalu kala duwanahay qaabka aan u xalino ..

Iskuday inaadan marwalba caqabada ku haysataa aadan daawan oo aad adiga xalkeeda la timaado, waayo ma jiro ruux kuu xalinaya caqabadaas ku haysata.

Tusaale  hadaan ku siiyo ku dhawaad 30 sano ayaad wax baranaysay , markaad warqad shahaado ku qoraantahayna aad soo qaadatayna oo aad waxba ku weyday, niyad jab iyo shallayto ayaad qolkaaga la gashay.

Sidaas lidkeeda kawaran hadaad xirfad barato oo qaab  madax banaan aad u shaqaysato , xitaa heer aad gaarto heer aad shaqalaysiiso adiga dadka kale oo adiga shaqo laguu soo doonto,waayo waxaadtahay aqoonyahan 30sano waxbaranayay.

xikmada 2aad ee xikmado cajiib ah : | xikmadaan waxay taabanaysaa qalbiyada mucaashaqiinta waxayna ku leedahay sidaan “Aad bay ufududahay inaad barato ruux ,  laakin aad bay u adagtahay inaad hesho qof sax ah oo  jecel naftaada, kuna siinaya daryeel xad dhaaf ah“.

Ugu horeyn hadaad haysato qof daacad kuu ah ku ixtiraamaya waxwalba oo dhaca kugu qaabilaya waxaa waajib kugu ah inaad dhahdo alxm, waayo waxaa jira walaalo ku hawlan siday u heli lahaayeen qof daacad ah sida qofkaaga oo kale.

Ugu danbayn waxaa leeyahay hala ilaaliyo qofka daacada ah qalbigiisa, waayo maalin maalmaha ka mida waad ogaanaysaa inaad dheeman ka tagtay oo aad dhagax qaaadatay. Waana wax qoran uu kusoo socda saad u dhawaacday qalbiga qofkaas, adna maalin waa laguu dhaawici doonaa Insha allaah hadaad sii noolaato.

xikmada 3aad ee xikmado cajiib ah : “haddii qof iska kaa indho tiro hala yaabin, dadka deebcadooda ayaa ah inay iska indho tiraan waxyaabaha qaaliga ah oo ay doortaan waxyaabaha raqiiska”.

Maxaaan u dooranaa waxyaabaha raqiiska ah , anagoo ka tagayna waxyaabaha qaaliga ah? Su’aashan waa su’aal dadku kawada jawaabi waayeen jawaabteedana lagu kala duwanyahay, tusaale in dadku heesaha ka doortaan wacdiga laga yaabee in hadaad maanta soogasho social mediyahaaga sida youtubekaaga aad aragto laba muuqaal kuwaas oo kala hadlaya wacdi iyo hees. Dadka 70% waan hubaal waxay dooranayaan music oo aan wax faaiido ah u lahayn, iyagoo katagaya wixi faaiidada u lahaa oo ahaa wacdiga, kaas oo soo xasuusinayay aakirada, Waxa ugu horeeya ee ah inaanu ka adkaano si aan uga taxadarno waxaynu dooranayno waa nafteena, nafteena markaan ka adkaano ayaan go’aanka gaari karnaa waxaynu dooranayno.

Waana lagayaabaa inaan kala ra’yi duwanahay oo aan isku ujeedo aanu noqon karin waxaana jeclaan lahaa inaad commentiga igula wadaagto ra’yigaaga.

xikmada 4aad ee xikmado cajiib ah : |”Markay dadka kale kugu dhahaan seetahay iska dhoola cadee kuna dheh alxm, sababtoo ah majiro qof si dhab ah kuu daryeelaya  xitaa hadaad xanuuunsantahay”.

Tani waa xaqiiqada nolosha , qof walba waa jecelyahay inuu kugu dhoho seetahay ama seeiitahay, laakin waxaa muhiim ah qofkaan ku leh seetahay malaga yaabaa inuu xanuunkaaga kula qaybsado xitaa hadaad xanuunsanayso , waalaga yaaba dadka qaar inay dareenkooda kula qaybsadaan sida xubnaha kala duwan ee qoyskaaga sida waalidkaa ama walaalahaa, laakin dad badan oo isku asxaabtihiin lagama yaabo inay ku daryeelaan bal iskaba daaye laga yaabaa inay xanuunkaaga kugu nacaan , maahmaah soomaaliyeedna waxay ahayd ” baryo badan iyo baahi badan waa laysku nacaa”.

xikmada 5aad ee xikmado cajiib ah : | “Weligaa yaan la guugu sirin erayada dahabka ah, waayo dadka qaarkood waxaad bishmahoda ka dareemaysaa macaan sida sonkorta ah, laakin qalbigooda waxaa ka buuxa sun”.

Weligaa qof haku qiyaasin wuxuu kuula muuqdo muuqiisa sare ama sida laguugu dhoola cadaynayo, waayo qofku isaguu qalbiga kaala jira ayuu kuu dhooladacayn karaa, laakin muhiimadu waa qalbiga sidaas daaradeed cadawgaagu yaysan kugu sirin dhoola cadayn been ah iyo qosol aan jirin.

xikmada 6aad ee xikmado cajiib ah : |“wabigu kuma jaro dhagaxa awoodiisa laakin wuxuu ku jaraa adkaysigiisa iyo joogtayntiisa marka waxwalba oo la joogteeyana guulbaa ka danbaysa” : waa sax biyaha aad wabiga ee aan awooda lahayn dhaga wayn ee adag kuma jaraan awoodooda laakin waxay ku jaraan ayaa ah kulaalaabadkooda iyo inay marwalba kormarayaan, sidaas daraadeed, haddii aad maanta hawl kugu adag ay jirto ama aad aaminsantahay hawshaas ma qaban karto, i aamin hadaad waqti joogto ah siiso hawshaas waxaad ku dhamayn kartaa waqti yar kaliya waxa lagaaga baahan yahay ayaa ah joogteyn.

xikmada 6aad ee xikmado cajiib ah : |:“ carrabku maahan, cad ay lafku jirto misne wuxuuna awoodaa inuu jabiyo qalbi, sidaas daraadeed ka fiirso erayada aad dhahayso si aadan qof qalbi jabkiis masuul uga noqon” : xikmadaan waa xikmad cajiib ah, waxayna muujinaysa shaygu ha adkaado ama ha jilicsanaado inuu wax jabin karo.

xikmado

Tusaale : waxaa jira kumanaan qof oo dad ah kuwaas oo ka cabanaya in lagu dhaawacay hadalkaas waxaa yiri ama soo saaray carrab kaas oo ah cad aad u jilicsan wax lafana aysan ku jirin. marka muhiim maahan maahan shaygu ha adkaato ama ha jilic sanaado wuxuu wadan karaa saamayntiisa.

xikmada 7aad ee xikmado cajiib ah : |:“Farxadu maahan inaad hesho dhamaan waxaad rabto, ee waad inaad ku raaxaysato intaad haysato.”, dad badan oo waxa jira waxaysan haysan jecel inay helaan, laakin hubaashii haday iimaansadaan waxay haystaan waxaa hubaal ah dad badan oo waxa ay rabaan haysta inay dhaafayaan.

Tusaale : waxaad rabtaa inaad maanta bilowdo barashada vedio editing-ka, waxaadna isweydiisay ayaa ah maxaan qalab u baahnahay si aan u barto xirfadaas?, jawaabta kusoo baxday waxay noqotay qalab qaali ah sida computer iyo iwm. laakin hubaal waxaa ah hadaad mobile kaaga gacanta ku bilowdo inaad samayn karto muuqaal qurux badan, oo aadna kaga kaaftoomi karto computer-ka. marka waxaad haysato ku bilow intaad sugi lahayd waxaadan haysan saaxiib.

Gabogabo ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

Intaas ayaan jeclaystay saaxiib inaan kula wadaago haday tahay  markii koowaad ee aad na aragtay ama aad nagu cusubtahay waxaan halkaan kusoo gudbiyaa qoraalo waxtarleh sidoo kale youtubena waan leeyahy waana kan <youtube >. kulan danboo xiisoleh saaxibayaal.


more Info

related : xikmado cajiib ah

images : pixabay.com

creator : moha pro

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *