Xikmado Cajiib ah ⁴ᴷ┇Xikmado┇Qaybtii 3aad

Hordhac ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

hubaal ! hadaad halkaan timid waxaad nasiib u yeelatay helida xikamo waxtar leh , faaiidada xikmadahana qormo kooban kuma soo koobi karo, waayo hal tusaale hadaan ku siiyo qof xikmad leh iyo qof kale isku mid ama isku meel kama wada hadli karaaan, marka adiga waxaan raba qaab free – ah inaan kuugu sheego 5 xikmadood oo wax tar le kuwaas oo noloshaada wax ka badalaya i a. maadaaba aad intaas oo qoraal ah soo akhriday saaxiib waa kuwaane kaalay wada akhrinee dareen buuuxana u yeelo misna intaas waxaa dheer waxaan kuu raacshay sharaxaad kooban oo hadaad fahmi waydo waxa loola jeedo aadku fahmi karto ama fahamkaaga soo dhaweynaya i a.

Bilowga ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

xikmada 1aad ee xikmado cajiib ah: |“Haddii aad rabto inaad u iftiinyto sida qorraxda marka hore u gubo sida qorraxda”, Xikmadaan waxaan ka faaidaynaa haddii aad rabto inaad noqoto qof meelka soo baxa waa inaad waqtigaaga ka faaiidaysataa , hadaadan dalaalin maantana maalin kale ayaadka shalaynaysaa waqtigaas aad lumisay, dhanka kale qorraxda aad aragtay oo loo yaqaan isha cunada ama isha nolosha taas oo faaiidooyinkeeda aanu ku soo koobi karin hal qoraal, dhayal kuma noqon ama kuma helin magacyadaas qaaliga ah ee waxay ku heshay ayaa ah, waxtarkeeda si ay waxtarkaas inoo siisana waxay kasoo aragtey kulayl badan waayo heer-kulka qorraxda aad buu u kululyahay, lacalaa kulli xaal hadaan qoraalka soo kufsho, si aad u noqoto qof meelka soo baxa saaxiib waa inaad dadaal badan ku bixisaa, aadna hiigsataa meel sare.

xikmada 2aad ee xikmado cajiib ah: | “Si aad ubadasho noloshaada waxad ubaahantahay inaad badasho waxyaabaha aad muhiimada siiso”. Isbadalka nolosha waxaa uu ka yimaadaa xaga qofka ilaahayna quraankiisa waxaa uu ku leeyahay aayad micnaheedu ahaa (” ilaahay qoom ama duul ma badalo ilaa ay badalaan iyagu waxyaabaha quluubtooda ku jira “), si aan nolosheena ubadalno, waxaa kow ka ah waxyaabaha aan badalayno waxyaabaha corfort zone ka ah , confort zone waxkale maahane waa inaad hawl qabato, hawshaasna aad adiga ku dareemayso nafis ama qanacsanaan laakin hawshaas aysan wax faaiido ah kuulahayn .

Tusaale : aan iska dhahno waxaadtahay wiil iska dhalin yaro ah waxaad xoooga saartaa ama inta badan dheeshaa ciyaarida ciyaarta loo yaqaan laadhuuga (ludo star), adiguna ciyaaridiisa farxad baa ku dareentaa , laakin wax faaiido ah kuuma lahan ,marka koowaad landhuugu waa xaraam , marka labaad waqti baadku lumisay , marka saddexaad wax daqli ah ama dhaqaale ah kaama soo galayaan. Marka ladhuugu waa qayb ka mida confort zone -ka. Micnaha ugu dhow ee confort zone lagu micnayn karo waa caado xun oo aan waxtar kuulahay.

xikmada 3aad ee xikmado cajiib ah : |” Dabeecada xumi waa taayar banjaray oo kale meel fog kuma gaarsiinayso hadii aadan badalin”,Hadda ka hor laba waalid ayaa iswareystay waxayna iska wareysteen mid ka mid ahaa awlaadooda waxay isku dheheen ugu danbayntii hebel meeshuu tago ciil ayuu u dhiman taas oo loola jeedo yacnii hebel dabeecad maleh, Qofku hadii dabeecad lahayna waxaa ku adag dhexgalka bulshada , marwalba oo aad dabeecad wanaagsan leedahayna waa marwalba oo aad nolosha guulka gaari karto waayo waxaad garanaysaa qaabka loo kasbado dadka kale.

xikmada 4aad ee xikmado cajiib ah :|“Inaadka fogaato dadka qaar si aad u ilaaliso dareenkaaga maahan diciifnimo ee waa xikmad weyn”, Intaad maalin maalmaha ka mida dhaawacnaan lahayd, inaad ka fogaato dadka qaar, waa mustaqbalkaagii oo aad wanaagsatay waayo qof aad istiri noloshaada kuma aamin karto ayaad go’aanka gaartay, qof aanan berri kula qaybsan doonin qalbi jabkana waxba yuusan diciif kugu sheegin.

xikmada 5aad ee xikmado cajiib ah : |“Weligaa guulaysan maysid haddii aadan weligaa bilaabin”,Horta guusha laguu sheegayaba waxay ka bilowmataa dadaal iyo hor usocod, marka hadaadan weli samayn oo aadan wax cusub baran waa khalad sababta aad guuul u raaadiso saaxiib.

Waxaan ku siin talo waa haddii aad guul rabto oo aad rajaynayso in maalin maalmaha ka mida aad isla yaabto guulaha aad xaqiijisay, saaxiib dadaal oo xitaa adoo maanta jamacad wada ama school dhiganaya baro xirfad kuna shaqayso.

xikmada 6aad ee xikmado cajiib ah : |:” weligaa ha u sheegan dadka meelahaad ku liitado ” u sheegida dadka meelaha aad ku liidao wax faaiido ah maleh, waxyeelo inay naftaada ku tahay mooyaane, sababtoo ah waxaa laga yaabaa inuu ka mid yahay cadawgaaga dadkaas aad u sheegayso meelaha aad ku liidato , ka dibna uu meelaha aad ku hooseysa ka dibna saas kaaga faaiidaysto, midna iska ilaali sheegida waxyaabahaas waxay leedahay dad munasab ku ah sida : laamaha qoyskaaga sida walaal iyo hooyo iyo aabbe, waayo dadkaan waxbay kaala qaban karaan hooseyntaada , oo ma noqon karaan cadawgaaga dhabar jabina kuguma samayn karaan aniga ma sheegin walaalahaa haddii mid doqon ah ku jiro taas waa baab kale.

xikmado

xikmada 7aad ee xikmado cajiib ah : |“ hadii aadan awoodin inaad naftaada la hadasho, ma awoodid inaad dadka kale ladasho”, ha kor intaadan isku dayin inaad dadka waxka dhaadhiciso waa inay adiga kaa muuqataa waxaad dadka u sheegayso, dhanka kale haddii aad rabto inaad dadka wax u sheegto marka hore waa inaad naftaada wax u sheegi kartaa .

Tusaale : haddii aad rabto dadka inaad ku dhahdo hala tukado , marka hore waa inaad adiga tukataa si ay dadkaas kaaga aamini karaan inaad tahay qof wuxuu dadka u sheegayo isagu ku fiican.

xikmada 8aad ee xikmado cajiib ah : |“weligaa haysku dayin inaad qof qanciso sababtoo ah ,masuul kama noqon kartid, inaad saxdo aaminaada qofkaas” , hubaal maalin walba waan aragnaa dad markaad wax u sheegto aan kuba aaminey yacnii aan ku qancayn waxa aad u sheegayso. sidaas daraadeed masuul kama noqon karto qancinta qof, qofka ugu dhow waa kan ku dhaha ii dhaaro,

Gabogabo ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

Qaybtaan waa intaas saaxiibayaal waxaan jeclahay inaad wax uun ka faaiiday oo xitaa hal wax ay noloshaada ku soo kordhiyeen, saaxiibayaaal hadaad isleedahay waxba kama faaiidin qaybta commentiga iigu sheeg, hadaad waxka faaiidayna qaybta comment-ga iigula wadaag, waayo dhiirigalin ayay ii tahay saaxiib, intaas waxa ii dheer waxaan leeyahay youtube kaan hoose waxaan kaa codsanayaa inaad isoo booqato comment-gana ku soo qor waxaan ka mid website-ka, intaas ayaan ku soo gabogabayn saaxiib hadalkana iskuma fiicnin hadaad wax iga tabanaysaan iga raali ahaada mahadsanidiin saaxiibayaal.


more info

related : xikmado cajiib ah

youtube : moha pro

images : pixabay.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *