Xikmado Cajiib ah ⁴ᴷ┇xikmado ┇Qaybtii 4aad

Hodhac ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

hubaal ! hadaad halkaan timid waxaad nasiib u yeelatay helida xikamo waxtar leh , faaiidada xikmadahana qormo kooban kuma soo koobi karo, waayo hal tusaale hadaan ku siiyo qof xikmad leh iyo qof kale isku mid ama isku meel kama wada hadli karaaan, marka adiga waxaan raba qaab free – ah inaan kuugu sheego 5 xikmadood oo wax tar le kuwaas oo noloshaada wax ka badalaya i a. maadaaba aad intaas oo qoraal ah soo akhriday saaxiib waa kuwaane kaalay wada akhrinee dareen buuuxana u yeelo misna intaas waxaa dheer waxaan kuu raacshay sharaxaad kooban oo hadaad fahmi waydo waxa loola jeedo aadku fahmi karto ama fahamkaaga soo dhaweynaya i a.

Bilowga ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

Xikmada 1aad ee xikmado cajiib ah : Xikmado | “haddii ay waxkasta kaalumayaan xasuuso indhirtaba caleentu ka lunto sanad kasta hadana ay dhib usii taagnaadaan si ay caleen qurux badan usoo saaraan”:- Xikmadaan waa xikmad aad u cajiba markii loo eego xaga nolosheena, waxaana ka fahmaynaa in nolosha hadaad waxweydo aysan ahayn micnaheedu inaadan markale helayn kaliya lagaa rabo samir iyo dulqaad.

Tusaale hadaad maanta shaqo la’aan tahay waxaa laga rabo waa inaad samir iyo dulqaad muujiso, aadna aaminto waxwalba oo kugu dhaca inay yihiin qadar xagga eebbe ka yimid.

Xikmada 2aad ee xikmado cajiib ah : Xikmado | “maraakiiibtu kuma quusaan biyaha ku hareeraysan , laakin waxay ku quusan biyaha gala”:- Xikmadaan waxaan ka faaiidaynaa saamaynta ay nolosheena ku yeelan karaan dadka aan la saaxiibayno ama aan waxku darsanayno, waxaana jira xadiis nabigeena mohamed scw laga wariyay oo  micnihiisu  ahaa “ qofku wuxu qaata ama yeeshaa diinta uu haysto qofka uu la saaxiibayo , ee hayska eego qofku qofka uu la saaxiibayo”.

Xikmada 3aad ee xikmado cajiib ah : “inaad la muranto dadka doqomada ah waxay lamid tahay inaad kaneeco kudisho dhabankaaga, dil ama hadilin ugu danbayn waxaad waxyeelaynaysaa naftaad” :- Xikmaadaan cajiib waxaan ka fahmaynaa sida ay naftaada sharaf xumo ugu tahay inaad la muranto dadka aan mudnayn inlala murmo, waayo ama la muran ama hala murmin ugu danbayn waxaad waxyeelaynaysaa naftaada, waayo meel aysan u qalmin ayaad dhigtey sharaftaadii.

Waxayna nasiinaysaa xikmadaan tusaale cajiib ah, ku dilida kaneecada dhabankaaga , kaneecaduna waa cayayaan yar ku dil dhibankaaga ama haku dilin ugu danbayn xanuunka dharbaaxada adaa dareemaya.

Xikmada 4aad ee xikmado cajiib ah : “haddii aad raadinayso saaxiib bilaa cillad ah waxaad noqonaysaa bilaa saaxiib sababtoo ah ma jiro qof dhan walba dhamays ka ah”:-Xikmadaan waa cashar wayn waxayna noo sheegaysaa in bini aadamku dhamays ahayn, qof walbana waxbaa ka khaldan oo nolosha looma dhamaystirin, marka hadaad aaminsanayd in la heli karo qof dhamays ah xeerka nolosha kuma jirto taas.

Tusaale hadaad aragto qof qurrux badan waxaa laga yaabaa inuusan lahay wax dabeecad ah.

Xikmada 5aad ee xikmado cajiib ah : “haddii aadan awoodin inaad naftaada wax u sheegto ma awood inaad dadka kale wax u sheegto”:-Sidee ayaad dadka kale wax ugu sheegi kartaa  hadaadan awoodin wax u sheegida naftaada? ka hor intaadan ukicin inaad dadka waxka dhaadhiciso marka hore naftaada wax u sheeg, markaas ka dib ayaad dadka kalena wax u sheegi kartaa, soomaaliduna waxay kun maahmaahdaa “tiisa daryeelaa tu kale ku dara”.

Xikmada 6aad ee xikmado cajiib ah : “weligaa furaha farxadaada ha galin qofkale jeebkiisa”, waa muhiim dhammaan farxadaada inaadan ku xirin qof aad maantay ama maalin aad baratay waayo barashada qof cusub iyada ayaa cashar ah, xikmadna waatay ahayd “barashada qof cusub waxaad kala kulmaysaa cashar ama qof sax ah “, saas haday tahay saaxiib sidee ayaad noloshaad ugu hibaynaysaa ama u siinaysaa qof wuxuu yahay aadan baran, taladayda saaxiib qofna si dhaba ha u aaminin, waa sax dadka qaar waa u qalmaan in naftaada aad ku aaminto, laakin haku aaminin noloshaada qof aadan si weyn u baran wuxu yahay hadal kaliyana waligaa qof haku qiimayn yacnii hadalka dahabka ah oo uu afka dhahayo iyo balan qaadada aan waxba ka jirin.

Xikmada 7aad ee xikmado cajiib ah : “inaad qof wanaagsan khiyaantaa waa sidii inaad dheeman tuurtay oo kale oo aad dhagax  qaadatey”, hadaad isleedahay khiyaamada qof wanaagsan guul waa lagu gaari karaa saas mahan saaxiib , dhab ahaantii waxaad u baahantahay inaad gadaal iskugu laabato caqligaaga saliimka ahna ka shaqaysiiso, tusaale hadaad maanta qof ku raacdo quruxda wajigiisa, qurruxdaad ku dooratay waxad ogaanaysaa waqti yar ka dib inaad khasaartay waayo qurruxda wajiga ah waa dhalaal lagu sirmo laakin, qurruxda dhabta ah waa qurruxda qalbiga.

kawaran hadaad qof qalbiga hodan ka ah ka dheeraato oo aad doorato qof qalbiga ka qalalan yacnii qalbi wanaag ka lahayn ama aan dhahno qalbiga wanaag ka aqoon oo aan tixgalin karin qalbi si dhaba u raacey, taas waxaan ku micnayn karnaa waa sidii inaad dheaman katagtey ( qalbi hodankii ) oo aad qadatay dhagax (waji hodankii).

Xikmada 8aad ee xikmado cajiib ah : “inaa dadka qaar ka jarto noloshaada , micnaheedu maahan inaa iyaga necebtahay , ee waa inaa qadarinayso naftaada”, muhiim miyaysan ahayn inaad dadka qaarka tashato, tusaale qof ayaad xiriir wada bilowdeen dhawr asbuuc, ka dib qofkaas waxaad aragtey inuusan kuu buuxin karin waxyaabahaad ka rabtay sida daacad ahaansho, laakin kama hadlayno qurrux iyo wixii lamida, marka inaad go’aan ka qaadato inaad ka dheeraato waa tixgalin aad tixgalinayso naftaada waayo maalin in uun intaad qofkaas aawadiis u qalbi jabsanaan lahayd go’aanka qaado intaadan naftaada aadan ku xirin , waayo waxaad maanta ka weydey beri kama helaysid

Gabogabo ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

mays leedahay wax uuun ayaa ka faaiiday?, hadaan aniga iskudayo ra’yigayga jawaabtu waa haa , laakin adiga fikradaad waa ii muhiim si aan u ogaado bal inaad waxka faaiiday iyo inkale . intaas waxaa ii dheer hadaad jeclaan lahayn ama ay jirto xikmad aad maskaxda ku hayso igula soo wadaag qaybta commentiga si aan u akhrisano aniga iyo walalkaa kaa danbeeya, Haddii ay jirto xikmad kamida kuwaan oo noloshaada saamaysayna qaybta comment-ga igula wadaag.


More info

related article : xikmado cajiib ah

created by :moha pro

images : pixabay.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *