Xikmado Cajiib ah ⁴ᴷ┇ Xikmado┇Qaybtii 5aad

Hordhac ⁴ᴷ┇ xikmado cajiib ah ┇moha pro

hubaal ! hadaad halkaan timid waxaad nasiib u yeelatay helida xikamo waxtar leh , faaiidada xikmadahana qormo kooban kuma soo koobi karo, waayo hal tusaale hadaan ku siiyo qof xikmad leh iyo qof kale isku mid ama isku meel kama wada hadli karaaan, marka adiga waxaan raba qaab free – ah inaan kuugu sheego xikmado wax tar le kuwaas oo noloshaada wax ka badalaya i a. maadaaba aad intaas oo qoraal ah soo akhriday saaxiib waa kuwaane kaalay wada akhrinee dareen buuuxana u yeelo misna intaas waxaa dheer waxaan kuu raacshay sharaxaad kooban oo hadaad fahmi waydo waxa loola jeedo aadku fahmi karto ama fahamkaaga soo dhaweynaya i a.

Xikmado

Bilowga ⁴ᴷ┇ xikmado cajiib ah ┇moha pro

xikmada 1aad ee xikmado cajiib ah : Xikmado | “Haddii aad rabto inaad guuleysato, baro khaladaadkii hore ee ay galen dadkii guuleystey ,laakin ha baran guulahoodii” :-Xikmadaan waa shidaalka ugu wanaagsan ee qof walba oo rabo inuu guul ka gaaro nolosha, waxayna kuleedahay haddii aad rabto inaad guuleysato baro khaladkii ama jabkii ay soo mareen dadkii gulaystay.

Sidaan wada ognahay haduu maanta kaa horyimaado qof nolosha guul ka gaaray waxa aad waydiinayso waa guulihii uu nolosha ka gaaray, laakin taas looma baahna, Waxa lagaa rabo inaad weydiiso waa khaladkii ama jabkii uu soo maray qofkaan guulaystay.

Tusaale ahaan : waxad utimid nin beero lay ah oo markaas beertu baxsantahay ama ay u kala kacsantahay adna waxaad rabtaa inaad beero lay noqoto  , waxaa lagaa rabo inaadka waraysato ninkaas waa jabkii ama khaladaadkii uu soo galay si uu heerkaan quruxda badan usoo gaaro, waadka faaiidaysa laba cashar oo waaweyn 1. dhibaatooyinkii uu soo maray, 2. Khabiir baadku noqon sida loo xaliyo dhibaatooyinka ku soo wajihi kara hadaad  maanta beer samaysato ama qorshe kale oo kuu gaara , waxwalbana caqabad ayay leeyihiin..

xikmado

xikmada 2aad ee xikmado cajiib ah : Xikmado |“Maanta waa adagtahay, berina waa kasii adkaan doontaa, maalinta berri kasii danbaysane waa qurux badnaan dooontaa , laakin dadka badankoodu waxay ku niyad jabaan maalintii adkayd” :-Xikmadaan iyo tii horeba waxaa yiri jack ma oo ah asaasa company weyn ee online ka ah ee cali baaba, nin kaan qisadiisa waa qiso dheer laakin qoraal ayaan kasoo samayn doonaa Insha allah ,ninkaan maadaaba uu ganacsadeyahay wuxuu xogaa saaraa qaabka aad u noqon lahayd qof adkaysi badan , oo caqabadaha  u dul qaata meelna kasoo baxa.

Xikmadaana wuxuu nagu baraya qiimaha adkaysiga oo wuxuu leeyahay haday maanta adagtahay berina xaaladu way ka sii adkaan dooontaa, laakin maalinta ku xigta berri waa qurux badantahay , laakin yaa joogaba markaas qof adkaysi leh maahane dadka badankoodii waxay ku niyad jabeen maalintii adkayd

Tusaale nolosheena la xariira hadaan ku muujino arintaas weliba dadka youtubers-ka ah : hadaad maanta chanel cusub furato wax views ah heli mayso ama viewskaagu low ayuu ahaan haddi ilaahay kuu khasbo maahane algorithm-ka youtube,  markaas laba mid ama waad niyad jabaysa ama horey ayaad usii socon , hadaad niyad jabto maalintii adkayd ayaa ku saamaysay , hadaad u dulqaadatana waxad tahay qofkii maalintii guusha soo gaara yoolkiisiina gaarey, Marka waxwalba oo aad guul ka rabto ku dadaal , xikmad carabiyana waatay ahayd qofkii dadaalaa waa helaa qofkii beertaana waa gurtaa.

xikmada 3aad ee xikmado cajiib ah :Watigu waa lacag”, Xikmadaan waa xikmad isku sheegideeda lagu bixiyo intaas oo lacag ah saaxiibayaal, kawaran hadaad maalgashato maalin walba oo noloshaada ka mida halsaac, miyaadan bil ama asbuuc ka dib adan la kulmi karin natiijo aad ku faraxdo,

tusaale : hadaad maalin walba hal saac oo noloshaada ka mida aad galiso barashada xirfad, waxaa hubaal ah inaad maalin kale ku farxayso.

xikmado

xikmada 4aad ee xikmado cajiib ah : | “Haddii aad waqtigaaga ku lumisay inaad qabato balanbaalis  , way adagtahay inaad qabato sababtoo ah hadba waykaa duulaysaa, laakin kawaran hadaad beer qurux badan samaysato si ay balanbaalistu kuugu timaado,  sidaaas si lamida hadaad diirada saarto hormarinta naftaada, qofwalba wuxuu doonayaa inuu kuu yimaado adiga, si uu noloshaada quruxda badan qayb uga qaato”

Xikmadaan waxaa kugula hadlayaa qof walba oo isku khasba inay dadku jiraan noloshiisa, tusaale waxaa jira qof aad adiga ka heshay aadna jeaclaan lahayd inuu noloshaada ku jiro , adna waxaad waqti badan ku lumisaa sidii aad u heli lahayd qofkaas isaga ah, laakin xaqiiqo waxaa ah  hadaad adiga noloshaada dhisto dad badan ayaa waxay ku haminayaan inay noloshaada ka mid noqdaan, saaxiib marka lama joogo waqtigii aad adiga dadka ka dabo carari lahayd ee waxaa la joogaa waqtigaad adiga is dhisi lahayd saaxiib.

xikmada 5aad ee xikmado cajiib ah: “Noloshu waa gaabantahay jooji waqtiga aadku luminayso dadka sunta ah“:-Maadaaba nolosheenu iska kooobantahay joogi dadka aan u qalmin noloshaada ee aad xitaa hal saac oo noloshaada ka mida aad wax ugu darayso maadaba maalinta qiyaamaha nala weydiinayo saaxiibayaal waqtiga , uga faaidayso waqtigaaga waxku anfacaya.

Gabogabo ⁴ᴷ┇ xikmado ┇moha pro

waxan jeclahay inaad wax uunka faaiday qoraalkaan aan ugu magacdaray xikmado nolosha ku saabsan. weyna wanaagsantahay saaxiib in aan wax isku sheegno ra’yigaaga qaybta caommentiga igula wadaag. intaas waxaa dheer waxaan leeyahay youtube kaan hoose waa isla qoraalkaan aad hadda akhrinayso.

Intaas waxaa ii dheer waxaan leeyahay youtube chanel-kaan saaxiib hoose , waxaan jeclaan intaad gudaha u gasho inaad nagu soo biirto kana mid noqoto dadka qalbiga wanaagsan ee halkaas nagula walaaloobay, aadna dhahdo waxaan ka imid website-ka si aan kuu soo dhaweno maadaaba aad tahay walaal nagu cusub, farxad waxaa noo ah inaad nagu soo biirtoo si aad ugu sooo biirto ama aad noosoo booqoto laba midba waad samayn kartaa 1: inaad youtube ka ku qorto MOHA PRO ama 2: inaad riixdo muuqaalkaan hoose ee qoraalkaan ka hooseeya si uu kuu keeno wajahaada guud ee youtube chanelkeena intaas ayaan rabay inaan paragraph-kaan kuugu sheego saaxiib, saaxiib maadaba aad soo gaartay dhamaadkii qormada aad rabto inaad ama aad diyaar utahay inaad soo booqato youtubekeena , dhanka kale waxaan kaa raali galinayaa hadaad fahmi weyday ama ay kugu adkaatay fahamka qoraalkeyga ama qaabka aan kalmadaha u dhigayo, i a saaxiib waxaan jeclahay inaad fahamtay ugu danbayntii, si aan u ogaado in la fahmaayo qoraalkeyga iyo inkale qaybta commentiga kaalay saaxib iiguna soo qor waan fahmay ama ma fahmin mahadsanid


Qoraal la xiriira : xikmado

created by : moha pro

images : pixabay.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *