Xikmado Cajiib ah ⁴ᴷ┇ Albert Einstein┇Qaybtii 6aad

Hordhac ⁴ᴷ┇ xikmado ┇moha pro

Marmar waa muhiim inaan casharo ka barano dadkii hore ee adduunka soomaray gaal iyo muslimba laakiin waxaa aanka baranayno waa inay yihiin waxyaabo nolosheena horey uwadaya laakiin aan diinteena islaamka ah aan wax u dhimayn, marka muuqaalkaan waxaa rabaa inaan kuugu sheego xikmado iyo hordhac ku saabsan professor-kii weynaa ee Albert ENSTEIN .

Qoraalkana wuxuu ka koobnaan doonaa laba qaybood :

Qaybta 1aad ⁴ᴷ┇ Hordhac Quseeya Albert Einstein

Qaybta 2aad ⁴ᴷ┇ Xikmadodihii Albert Einstein

Qaybta 1aad ⁴ᴷ┇ Hordhac Quseeya Albert Einstein

 Albert einstein wuxuu ahaa nin saynisyahan ah Wuxuuna ku dhashay sanadkii 1879 magalada Ulm ee dalka jarmal-ka, Wuxuuna ka soojeeday qoys yuhuudi ah .Wuxuuna ku qaatay dugsigiisa waxbarasho magalada milaano ee dalka talyaaniga. Markii uu dhameeyay schoolkii wuxu waxbarasho u aaday dalka iswiisarlaan halkaas ayuuna kasii watay waxbarashadiisii. Waxaa uuna ka qalin jabiyay jaamacada sanadii 1900, Einstein wuxuu cilmiga physics-ka kusoo daray qaacidada relative-tiga  ee ah  (E = MC2)

xarfahaasna waxay utaagan yihiin sidaan : E (energy) , M ( mass), C2 ( square /( laba jibbaarka )speed of light, Intaa waxaa dheeraa balwadihii ama dhaqamadii xumaa ee alber Einstein waxaa ka mid ahaa, inuu sigaarka aad u cabi jirey oo markuu soconayo qiiqa sigaarka ayaa docihiisa socon jiray.

Sidoo kale xagga xasuusta iskuma fiicnayn oo waxaa adkayd inuu qof uu hadda arkay uu dib u xasuusto mudo yar ka dib haddii markale uu u yimaado, sidoo kale lambarada iyo waxyaalahaasna waa ku adkaayeen xifdintooda, intaas waxaa uga soo gudabaxaynaa hordhicii ku saabsanaa Albert ENSTEIN, hadana waxaa isla eegaynaa qaybtii 2aad ee qoraalkeena taas oo ahayd xikmadihii albert Einstein

Qaybta 2aad ⁴ᴷ┇ xikmadodihii Albert Einstein

Halkaan waxaa ka bilowmanaya 27 xikmadood oo laga wariyay Albert ENSTEIN waana kuwaane akhris wacan :-

Xikmada 1aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Noloshu waa baaskiil aad saarantahay oo kale , si aad u dheeli tirto waa inaad sii socotaa laakin hadaad is istaagto oo hareerahaaga eegto waa kula dhacayaa..

Xikmada 2aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Isku day inaadan noqon nin guuleysta , laakin ha noqo nin qiimo leh.

Xikmada 3aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Weligaa ha xasuusan xasuusihii xumaa ee aad horay  u aragtay.

Xikmada 4aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Hal abuurnimadu waxay u raaxaysaa garaadka.

Xikmada 5aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Qofkii runta kadaaya arimaha yaryar, laguma aamini karo arimaha waaweyn.

Xikmada 6aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Dadka  heerka sare nolosha ka jooga waxay had iyo jeer waxay la kulmaan mucaaradaad daran oo  ka iimaanaya dadka ka hooseeya.

Xikmada 7aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Qof walba oo qalad galin micnaheedu waa iskuma dayin wax cusub.

Xikmada 8aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Aaminaada indho la,aanta ah, ayaa ah cadawga ugu weyn ee runta.

Xikmada 9aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Sidaan wada ognahay ilaysku wuxuu ka dheereeyaa dhawaaqa ama codka, taas waxaa lamida dadka qaarkood waa dhalaalayaan muuqooda sare laakin markay hadlaan waad yaabaysaa.

Xikmada 10aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Waxwalba haday yihiin wax fudud ooo suurtogal ah, micnaheedu maahan inay fududyihiin.

Xikmada 11aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Cabirka caqligu waa awooda isbadelka.

Xikmada 12aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Xaqiiqadu waa uun dhalanteed  inkastoo ay tahay mid aad u joogto ah.

Xikmada 13aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Weligaa ma fashilmaysid ilaa aad joojiso iskudayga.

Xikmada 14aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Qofka xariifka ahi wuxuu xaliyaa dhibaata haysata, Qofka caqliga lihina waa iska ilaaliyaa xalinteeda.

Xikmada 15aad ee xikmadodihii Albert Einstein :Adduunka waxaa ugu muhiimsan inaadan weydiinta iyo su’aasha joojin.

Xikmada 16aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Aqoonta bilaa diinta ahi waa laan gare ama jiis.diinta bilaa aqoonta ahina waa indhoole.

Xikmada 17aad ee xikmadodihii Albert Einstein :Waalidu waa inaa arin samayntiisa ku celceliso adigoo aan waxba ka badalin, hadana aadka filato in natiijo tii hore ka kawaanagsan kaaga soo baxayso.

Xikmada 18aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Laba arin weligoodba dhamaan maayaan waana ifkan iyo doqoniimada. Weliba ifka mahubo.

Xikmada 19aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Sirta hal abuurnimadu waa inaad qariso ilaha ay wax kaasoo galaan.

Xikmada 20aad ee xikmadodihii Albert Einstein :Hadii aadan awoodin inaad ilmo yar oo lix jir ah inaad wax u sharaxdo, adiga laftigaaga ayaan fahamsanayn waxaad sharaxayso.

Xikmada 21aad ee xikmadodihii Albert Einstein : Aduunkani waa meel halis ah ee aan lagu noolaan karayn, sababtuna maahan indad xumi joogaan, ee waa inay joogaan dadkaas  xunxun dad aan waxba ka qabanayn.

Xikmada 22aad ee xikmadodihii Albert Einstein :Dhibka dhexdiisa ayaa waxaa ku jira fursado

Xikmada 23aad ee xikmadodihii Albert Einstein :Waqtigu waa dhalanteed.

Xikmada 21aad ee xikmadodihii Albert Einstein :Sida ugu wanaagsan ee aad naftaada ugu farxin karto waa inaad ka farxiso qof kale.

Xikmada 25aad ee xikmadodihii Albert Einstein: Nacas kasta wax waa garan karaa ujeedaduna waa in wax la fahmo.

Xikmada 26aad ee xikmadodihii Albert Einstein: Ula hadal dadka si isku mida  ha ahaado qashinle  , madaxweyne ama jaamici…

Xikmada 27aad ee xikmadodihii Albert Einstein: Waxaa wanaagsan inaa barano nabad, intaad baran lahayn dagaal, inaa barano jacayl intaan baran lahayn dagaal.

Gabogabo ⁴ᴷ┇ xikmado ┇moha pro

xikmadohaan waxay ila tahay in aad wax uunka faaiidey oo ay noloshaada wax uun kusoo kordhin doonaan, haday saastahay saaxiib waxaan jeclaan lahaa inaad qaybta commentiga iigu soo qorto xikmada aad la cajabtay ama aad la yaabtey.

waxaan ka fahmayno albert Einstein waa intaad adduunkaan joogto u reeb jiilka kaa danbeeya wax dhaxal gal ah oo ay waxkaa faaiidayaa, waayo albert Einstein wuxu dhintay ku dhawaad in laga joogo 70 sano , maantayna xikmadihiisii ayaan wadna, xitaa xikmado kaliya kama tagin oo waxaa uu cilmiga sayniska kusoo kordhiyay waxyaabo badan sida physics-ka, marka saaxiib maalin uun waad naga tagi doontaa hadaanu kaa hormarin anagu marka waad inaad uga tagtaa jiilka kaa danbeeya wax dhaxal-gal ah saaxiib oo way waxka faaiidayaan, si ay magacaaga u xusaan maalintaas aad ciida ka oseysana kuugu soo duceeyaan, mana fiicna waxaan faaiido lahayn inaad ugua tagto umadaada sida heeso iyo wax uusan ilaahy raali ka ahayn .


creator : moha pro

mawduuc la xiriira : xikamado

images : pixabay.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *