Waxka baro lacagaha crypto currency ⁴ᴷ┇ online Money┇moha pro

Hordhac ⁴ᴷ┇ su’aalo Romantic ah ┇moha pro

asc saaxiibayaal muddo maku wareersanayd qaabka lacag looga sameeyo online-ka jawaabtaadu haday haa tahay saaxiib qoraalkaan kooban wuxuu sharaxayaa qaabkaas online-ka lacagta looga sameeyo waxaana kaga hadlaynaa saddex ciwaan hooseedyood kuwaas oo kala ah : Maalgashiga / investment-ga crypto currency,3 Qab Oo Lacag Looga suuqa Crypto iyo Isku Badalka Lacagaha/ Digital Currencies Exchange waana kuwaane kusoo dhawoow qoraalka oo faahfaahsan

Sidee Lacag Looga Sameeyaa Crypto Currency?

Muddo maku wareertay lacagaha loo yaqaan Crypto Currency? waxaan rabaa inaa waxyaabo badan oo aadku wareersanayn inaan faham kaaga siiyo qoraalkan hoose waxaana jeclahay inaadka faaiidi doonto insha allah.

Waa maxay crypto currency ?

Lacagaha la yiraahdo crypto currency waa lacago cusub oo hadda addunyada kusoo kordhay , lacagahaas maahan dollar caadiga ah ee waraaqad ah, dahabkii la yaqiinayna maaha , waxaa la yiraahdaa Digital Currencies.

Digital currencies : micnaheedu waa lacag walba oo u shaqaysta qaab electronic ahaan ah waaxaadna ubaahantahay si aad u isticmaasho lacagahaan ,qalabka korontada ku shaqeeya sida computers, mobiles iwm.

Lacahaas waxaa looga maarmay taakaayinkii ay bank-yadu ku hayn jireen dadka lacagta haysta taas oo ahayd in markad lacag bank dhigato aadan isla markiiba ka heli karaynin, sidaas daraadeed waa lacagta la rajaynayo in addunku u guuro si qof walba lacatiisa xor ugu noqdo markuu rabana u helo.

3 Qab Oo Lacag Looga suuqa Crypto

Qaababkaan waa qaababka ugu waa weyn ee lacag looga sameeyo suuqa cyrpto

Qaabka 1aad:Maalgashiga / investment-ga crypto currency

Waa qofku inuu maalgashto lacagtiisa uu haysto, dad badan oo waxaa jira lacagahooda ku haysta bank-yada, $1 hadaad bank-ga dhigato maanta ,10sano kadibn waxaa ku yaal 1kii dollar, laakin caalamku hadda wuxuu sameeyay maalgalin inaad lacagtaadii maalgashato, lacahaan crypto currency-ga ah waxaa ugu caansan lacagta loo yaqaan Bitcoin, bitcoin halka xabo 2012 wuxuu joogay $1, maantana halkii xabo wuxuu marayaa 72,000 oo dollar, kawaran qofkii 2012 gashan lahaa 1,000 xabo oo ah Bitcoin, maanta wuxuu haysan lahaa 1000*72,000= 72 million. waxaadna saas ku tahay qani, lacagta intaas le’eg kama samayseen mushahaar aad qaadatay wax aad meelka dhigatay , sidoo kale lacagtaan uma dhididin uma kalihin, uma aadin shaqo aadan ku qanacsanayn meelaha laga shaqeeyo sida xafiis suuq iyo wixii lamida, kaliya waxaad samaysay computerka aayaad furatay kadibna waad maalgashatay kadibna waad isku laabtay, mudo yar ka dibna maal qabeen ayaad noqotay, waxaana jira dad uu maalqabaneen ka dhigay suuqaan Crypto currency iyagoo aan u dhibtoon.

Qaabka 2aad :Ganacsiga / Trading -ka Crypto Currency

kani waa qaabka 2aad ee aad suuqaan lacag uga samayn karto adigoo sida forrex-ta uga ganacsanaya suuqaan adigoo soo gadanaya markii suuqu sare u kaco,iskana gadaya markii suuqu hoos u dhaco, waxaa laga yaabaa dadka qaar inay suuqa galiyan sida $10,000 ama $20,000 , qofku qolkiisa jiifka ayuu kasoo kacaya suud buuna usoo xiran isagoo shaqo aadaya oo kale, ka dibna wuxuu imaan qolkiisa qolku dhagan halkaas oo ay uyaalan computer-kiisa ka dibna uu halkaas ka shaqo bilaabin , suuqaan maahna sida 1XET oo kale oo mahan bakhtiyaa nasiib sida inaad saadaaliso ciyaar adigoo xooga saaraya qolada awooda badan, laakin suuqaan Crypto currency wuxuu ku dhisanyahay algorithm iyo xirfado la barto, xirfadaas waxaad ka baran kartaa meelo kala duwan sida youtube-ka adigoo uga faaidaysanaya luuqado kala duwan sida English iyo Arabic.

Markad soo barato xirfaha lagaga shaqaysto suuqaan waad soo fariisan waxaadna fiirsan suuqu inuu furmay, waxaana laga ganacsadaa laba suuq oo waaweyn kuwaas oo ah london iyo new york, markay aqoontaadu ku tusto in suuqu kor usocdo waad soo iibsaneysaa (buying), markaad aragto suuqu inuu hoos usocdana waad iska gadeysaa (selling),

markaad soo iibsato suuqu waa dhaqaaqaa adne tareenkaas socda ayaa dhinac ka raacaysaa adoo 1,000 dollar wata iyo welibana waxka yar , faaiidadaada markuu kuu gaaro waadka kala baxaysa waad iska iibinaysaa, faaiidada aad helaysana waxay noqonaysaa ( qiimaha soo iibsiga – qiimihii aad iskaga gaday = faaiido ), diiniyana xaaraam maahan tusaale gaari ayaad waxaad ka soo ibsatay Dubay $5,000 dollar ayaad ku soo iibsatay, xamar baad keentay , $5,000 ma joogaayo waxaa lagaa siin karaa $10,000 , markii la kala jaro faaiidada halkaas kasoo baxaysa waa faaiido aad adiga leedahay, sidaas daraadeed suuqaan wuxu u shaqeeyaa ganacsi camal.

Qaabka 3aad: Isku Badalka Lacagaha/ Digital Currencies Exchange

Waxaa jira dad badan oo maanta malaayiin haysta oo aan la safri karin, sidaas daraadeed lacagta waad qadaysaa waxaad u badalaysaa dirham, waxaad gaynaysaa bank-yada sida binance kuwaas oo kuugu badalaya lacag loo yaqaan USDT ka diban accountigaaga ayaad ku shubanaysaa, kaliya waxaad ubaahantahay inaad acount furato kadibna uu verify uu kuu yahay, diyaarad ayaad soo raacdey malaayiin ayaad mobilka ku wadataa, ma jirto cid ku baaraysa maleh, dawlad ku daba galaysana maleh, hadad maanta sameeyo wax iibsi ah $50,000 dawlad idaba kacaysa oo dhahaysa 50,000 xagee uwaday oo su’aalahaas iweydiinaysa ma jirto,

marka waxaa jira dad badan oo saamaali ah oo fahmay arintaas, qofku wuxuu rabaa USDT, marka (1USDT= $1), tusaale wuxuu rabaa qofku 100USDT oo lamida $100, $100 lacagtii caadiga ahayd ayuu wuxuu kuugu dirayaa bank-gaaga , adna waxaad u diraysaa 100USDT ugu diraysaa wallet-kiisa waxaadna saarsan lacag sarifaad ah 2% oo lamida $2 ama 3% oo lamida $3, marka adiga laba faaiido lacag caadiya oo wadankii ka shaqaynaysana waad helaysaa oo dollar ah , lacag faaiido ah oo sarifaad ahna waad helaysataa waxaa lagayaa yaabaa 400USDT markaad sarifto ayna kuu saarnayd $3 calaa $100 dollar , faaiidada aadka helayso waxay noqon 3*4= $12 oo faaiido ah.

Gabogabo ⁴ᴷ┇ crypto currency ┇moha pro

Crypto currency waa lacago online ah kuwaas oo aad noloshaada iyo tan qoyskaagaba aad waxkaga badali karto waxay kala leedahay la qaab oo looga shaqeeyo qaab xaaraam ah iyo qaab xalaal ah, insha allah waxaan jeclahay qaabka xalaasha ah inaad uga faaiidaysato, midna ogow mardhaw waa laga baxayaa bank-yada intaad lacag dhigato ku dhihi jiray markaad dhigato kadib mudo noo soo laabo makaad lacag uga baahato, mataqaan sababta ay kuu leeyihiin nosoo laabo maalmo ka dib,laacagtaadii ayaa ayaga maalgashi ugu maqan, iyaga oo faaiido ka doonayaan adna waxba kama faaiidayso sidaas daraadeed jooji lacagta aad bank-ga dhiganayso ayaa kugula talin lahaa ee u isticmaal lacagtaada meel faaiido kaasoo galayso maalgsahana , hadaad soo gaartay dhamaadkii qoraalka mahadsanid ayaanku leeyahay saaxiib thanks !.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *