Su’aalo iyo jawaabo Diini ah ⁴ᴷ┇Baro diintaada ┇Qaybtii 2aad

Hordhac ⁴ᴷ┇Baro diintaada ┇Qaybtii 2aad

Asc dhamaantiin saaxiibayaal waxaan jeclahay inaan qormadaan idin kula wadaago 15su’aalood oo aad ku baranayso diintaada, hadaad jeceshahay inaad wax badan ka ogaato diintaada qormadaan waa qaybtii 2aad ee aan kaga hadlayno su’aalo diini ah iyo jawaabohooda kana faaiidayso adoo akhrinaya qormadaan hoose.

Nuxurka ⁴ᴷ┇Baro diintaada ┇Qaybtii 2aad

su’aasha 1aad ee su’aalo diini ah : Waxaad sheegtaa hadalka ugu danbeeya ee ay ehlu jannuhu oranayaan marka ay jannada galaan?.

jawaabta : hadalka ugu danbeeya ee ay oranayaan waa (ٱلْحَمْدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلْعَـٰلَمِينَ ٢) moo micnaheedu yahay mahad oo dhami waxay u sugnaatay ilaahay swt.

su’aasha 2aad ee su’aalo diini ah : waxaad sheegtaa 3 shay oo addunka xaraam ku ah isticmaalkoodu laakin jannada uu ilaahay noogu baneeyay?

jawaabtu waa : khamrada, xariirta iyo dahabka.

su’aasha 3aad ee su’aalo diini ah : dadka jannada galaya nabigee ayay dharaarka ka matalaan ama ka laa le’egyihiin?

jawaabta : nabbiga ay dhararka ka mataalan dadka ehlu jannada ah waa nabi aadam cs , nabi aadamna dhararkiisa waxaa lagu qiyaasaa ama lagu sheegaa inuu ahaa 60 dhudhun xagga dhararka.

su’aasha 4aad ee su’aalo diini ah : kooxda ugu horeysa ee jannada galaya sidee u egyihiin ?

jawaabta : kooxda ugu horeysa ee jannada galaya wajigooda waxaa ka baxaya nuur sida dayaxa 14 ah oo kale ah.

su’aasha 5aad ee su’aalo diini ah : mataqaan cuntada lagu macsuumaayo dadka ugu horeeya ee jannada galaya ?

jawaab : cuntada ugu horeysa ee la siinaayo dadka ehlu jannada ah waa cunto hilib ah welibana hilibkaas waa hilib kallun ah waxaana weeyaan beeryarada xuudka , xuudkuna waa nibiriga weyn ee badda ku jira.

su’aasha 6aad ee su’aalo diini ah : waxaad sheegtaa salaad 4 attaxyaad uu tukan karo qofka tukanaya iyadoo sababtu tahay inuu qofka tukanaya salaada kasoo daahay oo uu ku soo gaaray racdihii ugu danbeeyay sharax sababtana ?

jawaabta : horta salaadaas waa salaada markhib, siday 4 attaxyaad ugu yeelanayso qofka soodaahayna waa sidaan, qofku wuxuu yimid ama soogalay masjidka iyadoo loo fadhiyo rakcadii 2aad attaxyaadkeedii ka dibna salaadii ayuu xidhay wuxuuna akhriyay attaxyaadkii halkaasna waa attaxyaadkii 1aad.

ogsoonowna qofkaas 2dii rakcadood ee hore uma xisaabsana, rakcadii ugu danbaysay ayaa la gaaray, wuxuuna akhriyay attaxyaadkii 2aad, laakin qofkaas rakcadii ugu danbaysay isaga waxay u tahay rakcadii 1aad, kadibna salaadii ayaa laga baxay wuxuuna sii watay salaadiisii si uu u sii buuxsho ama uu usii dhamaystiro rakcadihii, wuxuu soo gaaray rakcadii 2aad ka dibna wuxuu akhriyay attaxyaadkeedii halkaasna waxaa ah attaxyaadkii 3aad, rakcadii ugu danbaysay ayaa la soo gaaray qofkiina wuxuu akhriyay attaxyaadkii 4aad, marka saas ayay ku dhamaatay sharaxaadaasina waan jeclahay inaad wax uun ka faaiiday ama aad fahamtay sababaynta jawaabtaas.

Su’aasha 7aad ee su’aalo diini ah : waxad sheegtaa 4 magac ee loo yaqaan اليوم القيامة ?

jawaabta : hadaan sheegno 4 magac ee loo qayaan maalinta qiymaaha kuwaas oo in badan ilaahay quraanka ku sheegay marka anaga waxaan rabnaa inaan 4 iska sheegno laakin 4 waa ka badan yihiin, q اليوم الدين , اليوم التغابن اليوم الحساب واليوم الجمع

Su’aasha 8aad ee su’aalo diini ah : sheeg magacii loo yaqaanay nabi ibraahim aabihiis?

jawaabta : nabi ibraahim aabihiis waxaa la oran jiray aazara, wuxuuna ku dhintay gaalnimo waloow uu wiilkiisa nabi ibraahim cs uu intaas diinta usoo bandhigayay laaki xaqii ayuu garab maray.

Su’aasha 9aad ee su’aalo diini ah : sheeg saaxibigii ugu horeeyay ee quraanka si sare kor ugu akhriyay?

jawaabta : waxaa uu ahaa saxaabigii weynaa ee cabdulaahi binu mascuud.

Su’aasha 10aad ee su’aalo diini ah : imisa salaadood ayay u dhigantaa salaada lagu tukado masjidka Alqudus?

jawaabta : salaada lagu tukado masjidka alqudus waxay u dhigantaa 500 salaadood..

Su’aasha 11aad ee su’aalo diini ah : Qof baa isagoo tukanaya salaad janaaso ah sahwiyay yacnii imisa ayuu tukaday ayuu garan waayay muxu samayn ma masuudi mise waa rakuucin?

jawaabta : qofkii isagoo ku jira salaad janaazo ah yacnii maydku tukanaya sahwiya waxkale samayn maayo een salaadii ayuu dib usoo bilaabayaa.

Su’aasha 12aad ee su’aalo diini ah : sheeg danbigii ugu horeeyay ee ilahay lagu caasiyay?

jawaabta : wuxuu ahaa dilkii isdilkii ilma bani aadam yacnii dilkii qaabiil iyo haabil. dilkii uu qaabiil uu dilay walalkiis haabil

Su’aasha 13aad ee su’aalo diini ah : ma lagu tukan karaa maro leh caadi xayawaan sida ariga geela iwm?

jawaabta : haa waa lagu tukan karaa waayo ilaahay ayaa noo xalaaleeyay jawaanka.

Su’aasha 14aad ee su’aalo diini ah : salaadaha waxaa loo qaybiyaa sirri ( salaad codkeeda hoos loo dhigo sida salaada duhur ) iyo jahri (salaad codkeeda kor loo qaado sida salaada cishaha ,salaada subax iwm ), marka waxaad sheegtaa salaada u dhaxaysa laba salaadood oo jahri ah laakin iyadu sirri ah ?

Jawaabta: horta salaadaas maalmaha oo dhan maahan laakin saladaas waxay ku jirtaa kaliya maalinta jimcaha ah, saan wada ognahay maalinta kaliya ee salaada duhur kor loo akhriyo waa maalinta jimcaha , salaada casar ee maalinta jimcaha ahna hoos ayaa loo akhriyaa, salaada markhibna ee ka danbaysa salaada casarna kor ayaa loo akhriyaa.

marka warka oo kooban waxay jawaabtu noqonaysaa waa maalinta jimcaha ah salaada casar , waxayna u dhaxaysaa labo salaadood oo kor loo akhrinaayo waana salaadii duhur ee jimcaha iyo salaadii iyo saladii markhib.

Su’aasha 15aad ee su’aalo diini ah : sheeg saxaabigii ku dhashay kacbada dhexdeeda?

jawaabta : saxaabigaas waxaa la oran jiray xakiim binu xuzaam

Gabogabo ⁴ᴷ┇Baro diintaada ┇Qaybtii 2aad

waxaan jeclahay inaad wax uunka faaiiday adiga ka faaiidaystay iyo anigaba ilaahay miisaanka xasanaadka ha inoo saaro, si ay noogu noqoto dhiirigalin noogu noqoto qaybta commentiga wax uun ku soo qor ama haday jirto su’aal kugu adkaatay si aan iskula eegno mahadsanid


More info

created by : moha pro / youtube

related : Su’aalo iyo jawaabo Diini ah ⁴ᴷ┇Baro diintaada ┇Qaybtii 1aad

images : pixabay.com

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *