Sidee Guul Loo Gaaraa ? ⁴ᴷ┇Dhiirigalin┇2024

Hordhac ⁴ᴷ┇ SIDEE GuuL lagu gaara┇moha pro

ASC dhamaaantiin walaalayaal ,Qoraalkan waxaa rabaa inaa kuugu sheego 7 Qodob oo sababaya inaad nolosha ku guuleysato aadne ka badbaado fashilka nolosha. Sababtoo ah waxa ugu badan ee sababaya inaynu nolosha ku fashilano waxkale maahane waxaanu ogayn ama aanu garanayn qiimaha ay noloshu leedahay , marka hadaad qodobadaan aan kuugu sheegayo aad siday tahay u tixgaliso waxaan jeclahay Inay noloshaada waxka badali doonaan Insha allah.

Magacaygu waa mohamud abshir waxaan ahay blogger & youtuber, waxaana baraha bulshada badanaa kusoo galaa Magaca : MOHA PRO, waxaan soo gudbiyaa muuqaalo inta badan ah dhiirigalin , xikmado , maahmaahyo iyo marmar muuqaalo ama qoraalo la xiriira arimaha shukaansiga ama jacaylka😂.

Bilowga ⁴ᴷ┇ SIDEE GuuL lagu gaara┇moha pro

Qodobka 1aad ee guul lagu gaari karo : Xiriirka alle wanaaji:

 Tan waa Qodobka 1aad ee Guul Lagu Gaari Karo ,

mar walbe oo aad xiriir fiican ilahay la leedahay ilaahey ayaa amuurahaaga wuu kuu sahlaya , addunkana laba siyaabood ayaa loo joogaa mid saddexaaad ma jirto walaalkey ama walaashayeey, waana inaad addunkan aad u shaqaysato iyo inaad aakhirana u shaqaysato oo aad usii sahay qaadato, waxaana muhiim ah tan danbe oo ah aakhirada sababtoo ah addunyadu waa imtixaan laguu dhiibey, marka hadaad imtixaankaas baasto waad guuleysatay. Hadaadku dhacdana waad khasaartay dadka adduunka khasaareyna aakhiro warbaa u yaal.

Qodobka 2aad ee guul lagu gaari karo : maalmulka waqtigaaga:

Time management( maamulka waqtiga) waa waxa kaa dhigaya inaad noqoto qof nolosha ka adkaada , sababtoo ah waqtigu waa seef ama adaa jaraya ama isaga ayaa ku jaraya . Ogowna waqtiguna waa saddex waji mid :-

Wajiga 1aad : maanta oo la joogo: waa meesha ugu wanaagsan ee uu ka dhaco maamulka waqtigu, hadaad maanta ku dadaasho inaad waqtigaaga ka faaidaysato berrina waa hagaagaysaa insha allah.

Wajiga 2aad : berri oo aan la gaarin : waa maalinta cusub ee kuu dhalandoonta insha allah, hakuugu dhalato wanaag ,mar hadey kuu bilowmatana waxaa loogu yeeraa maanta, marka ku dadaal maaamulka waqtiga markey berri kuu noqoto maanta.

Wajiga 3aad : shalay oo la soo dhaafey: shalay waa maalintii kaatagtey ,waxaana jira waqti ay kuu ahayd maanta , marka laba mid ama waadku farxaysaa saad uga soo faaidaysatay ama shalayto ayay kuu noqon oo bishinta ayaad dhexda ka qaniini doontaa shalaytaduna ma fiicna wax tagayna masoo laabanayaane dadaal maalinta aad haysato , Sidoo kale la soco in ilaahay maalinta qiyaamaha ku weydiinayo waqtiga. Oo lagu su’aalayo waqtigii aan ku siiyay maxad uga faaiideysatey.

guusha

Qodobka 3aad ee guul lagu gaari karo : xiriirinta qaraabada.

Waxaa jira xadiis laga wariyay nabaiga salalaahu calayhi wasalam oo dhahaya “midkiinii raba in cimrigiisa loo dheereeyo. Isaaqadiisana loo waasiciyo ha xiriiriyo qaraabadiisa”.Marka ka waran haddii cimrigaaga laguu dheereeyo ,wax xalaalane laguu arsaaqo waxa kaliya ee kaa maqan waa inaad ilahay xuskiisa gacanta ku haysato. Sidaas si lamida hadaad qaraabada xiriiriso oo aad iska warheysaan waxaad jaanis u helaysaa in hadii caqabad ay kusoo wajahdo aad la wadaagi karto intaas kadibna ay kula xaliyaan.

Qodobka 4aad ee guul lagu gaari karo : :Sameyso qorsheyaal :

Qorshe waa maxay? Tusaale waxaad tahay arday ujeedkaaguna waxaa weeye inaad heerka gaarto waxbarashada ,Marka qorshuhu waa inaad waxaad qabanayso aad ujeedo ka yeelato. nolol bilaa ujeedo ahne nolol maahan baan ku dhihi karaa sababtoo ah waxba ma dhaanto xayawaanka hadaad ku socoto ama aadku jirto nolol bilaa yool ama u jeedo ah . Markaan saas ku leeyahayna waxkale maahane xayawaanka waad aragtay waa loo taliyaa wax qorshe ahna malahan oo ma gaari karaan, Marka calaa kuli xaal noloshaada ka adkow haddii aadka adkaankaan weyso iyadaa kaa adkaaneysa , haddaa aad akhrisanayso qoraalkan samayso ahdaaf, hadaadan ahdaaftaas ka shaqaysiina kaliya waxay noqoysaa riyo , laakin markaad ka shaqaysiiso ayay guul noqonaysaa I a.

Qodobka 5 aad ee guul lagu gaari karo : Joogtee wax Akhriska:

Marwalbe oo aad wax akhriso, waa marwalbe oo qimaahaaga qofnimo uu sare u kaco , sababtoo ah markaad wax akhriso waxaadka helaysaa aqoon, waxaadna ka duwantahay qof jaahil ah , ilahayna qur’aankiisa  kareem ah wuxuu ku leeyahay ” kuwii waxbartey iyo kuwa aan waxba baran miyay simanyihiin“.

sidoo kale eray ugu horeeyay ee nabi mohamed scw uu  malakul jibriil ku yiri wuxuu ahaa (اقرء) oo micnaheedu yahay akhri , waxa uu akhrinayo waxkale maahane waa magaca ilaahay oo ah .”بسم الله الرحمن االرحيم

sidoo kale wargeysyada maraykanka waxaa ku qoran in aqoonta lagu helo 79% wax akhrinta(reading) . 21% ka soo harayna lagu helo dhagaysiga iyo daawashada iwm.

Qodobka 6aad ee guul lagu gaari karo : Inaad tahay qof caafimaad qaba:

Caafimaaadku wuxuu kaalin muhiima ka qaataa guushaada nololeed sababtoo ah , caafimaad la,aan wax aad qaban karto maleh. Marka noloshaada ka faaideyso intii waqtigu ku qaban oo aad noqon qof waayeel ah ama intaadan  xanuunsan

Qodobka 7aad ee guul lagu gaari karo :  Jooji wahsiga :

Wahsigu waa inaad hawl aad hada qaban karto aad dib usii dhigato ayadoo aysan jirin wax sababaya dib u dhigaas caajis adiga kaa yimid mooyee, Wahsigu waa cadawga ugu weyn ee waqtiga , sababtoo ah majiro wax ladhaho hadhaw ayaan qaban doonaa hawshaan, Waayo ma ogid inaad hadhaw noolaan doonto ama caafimaadka aad hada haysato aad haysan doonto, Marka hadda qabo hawshaas aad dib u dhiganayso intaas ka dibna ku raaxayso waqtigaaga iyo sidaad uga faaiidaysatay ,

Gabogabo ⁴ᴷ┇ SIDEE GuuL lagu gaara┇moha pro

guusha

saaxiibayaal taladaan waxku oolka ah waxaan jeclahay inaadka faaiiday, qoraalkaan 7 badaas qodob ayaan ugu talo galay, hadaad isleedahay waxbaa laga faaiidayaa waan jeclaan lahaa inaan ogaado ra’yigaaga oo aad qaybta commentiga iigu sheegto ra’yigaaga, sidoo kale hadaaad leedahay soo badi qoraalada noocaan ah ama aad jeclaan lahayd inaan soo badino waxaa ra’yigaaga ku dhiiban kartaa qaybta loogu talo galay talo wadaaga halkaas oo loo yaqaan comment area.

sidoo kale hadaad jeceshahay mawduuc waxtarleh oo aanka soo hadalno iyadana waad nooso qori kartaa si aan iskudayno isagana, hadaad jeceshahay muuqaalada noocaan oo kale ahna waxaad ka heli kartaa youtube chanelkeena si aad u hesho youtube keena dib u laabo muuqaalka yaal bilowga qormadaan ayaad ka soo raaci kartaa


More info

creator : moha pro / youtube link

related : Naftaydaay Gacalo ⁴ᴷ┇ Dhiirigalin┇moha pro

images : pixabay.com

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *