Joogtaynta Sirta Guusha⁴ᴷ┇ Dhiirigalin ┇2024

Hordhac ⁴ᴷ┇ Dhiirigalin ┇2024

Waa maxay joogteyn ?, Micnaha ugu dhow ee aan kugu fahamsiin karo joogteynta waa inaad ku soo celceliso qabashada hawl sida wax akhriska, jimicsiga iwm adiga oo u arka inay waxaas noloshaada wax ku soo kordhinayaan,tanina waa tan maanta aan ka hadlaayo,

haddii aad rabto inaad guulka gaarto hawl aad qabanayso joogtee kusoo celcelinteeda , oraah carabiyana waa tay ahayd wax yar oo lagu daray waxyar ayaa wax badan dhala, cadawga ugu weyn ee ay leedahay joogteyntu waa caajiska, caajiskuna xagga nolosha bini aadamka wax qiimo ah kuma lahan waa hadaad fahmayso qiimaha nolosha.

Nuxurka Qormada ⁴ᴷ┇ Dhiirigalin┇2024

Maalmaha adduunyadaan joogaayo qof walba waa wax iska kooban, maadaaba aad waqti kooban ku noolaan doonto addunyadaan waxaa lagaaga baahanyahay inaad waqtigaaga ka faaiidaysato oo aad u shaqaysato adduun iyo aakhiraba, si aad qof wax soosaar leh u noqotana waxaa lagama maarmaan ah inaad tahay qof wax qabta si aad wax u qabatana waa inaad tahay qof waxa uu qabanayo ay ka go’antahay oo waqti siin kara lamana rabo in hawl intaad bilowdo aad joojiso maalmo ka dib, si guud ahaan hadaan u sheegno noqo qof hawsha uu qabanayo ay ka go’antahay una huri kara waqti sidoo kalena aanka niyad jabin.

Faaiidada joogteynta ⁴ᴷ┇ Dhiirigalin┇2024

halkaana waxaan rabaa inaan wax idiinka sheego faaiidooyinka joogteynta ama consistency-ga, aan idiin dhexgaliyo sheeko muujinaysa qiimaha joogteynta waxaa jirta sheeko gaaban oo ka hadlaysa mawduuceena maanta, sheekadaan waxay ku saabsantahay diin iyo bakayle, waxaa la yiri waxaa tartamay diin iyo bakayle dabadeedna waad iska garan diinku waa xayawaan aad u gaabiya kaas oo xamaarta, dhanka kale bakayluhu waa xayawaan dheereeya, bakaylihii intuu orday halmar ayuu wuxuu is yiri seexo bal inta uu diinku ku soo gaarayo , dabadeed hurdaa la tagtay diinkii wuxuu socdaba meeshii ayuu gaaray weli bakaylihii oo aan gaarin meeshii loo tartamayay , sheekadaan waxaan ka faaiidaynaa qodobadaan hoose

  1. joogteynta : diinkii isma oran waa lagaa dheereeyaa mana gaari karto bakaylaha oo ah xayawaankaa dheereeya, laakin dadaalkiisii ayuu sii watay, casharka ugu weyn ee aan isleeyahay waan ka faaiidaynaynaa qodobkaan waa hadaad maanta hawl bilowdo haka caajisin xitaa hadaad guulka gaarto waayo majiro wax dhamaadle, hana is oran hawl ma qaban karto waayo diyaarada aad aagtey ee hawada duushaba qof adiga oo kale ah ayaa sameeyay.
  2. Ha Quusan hana isdhiibin :haddii aad hawl qabanayso weligaa ha quusan tusaale : maanta waxaad bilowdey youtube ka dibna waa kuu kala kici waayay yacnii muuuqaaladaadii meel fiican waa gaari waayeen, adiga mid maskaxda ku hay ha quusan joogteena muuqaal samaynta , iskuna day asbuucii inaad soo dhigto 2 ilaa 3 muuqaal, waloow yuusan qurux badnaan qaabkaad wax u edit garaynaysee. imisa youtube chanel ayaan aragnaa maalin walba mid ay u yaalan laba muuqaal oo edit koodu yahay qaab aad u fiican laakin aan haysan wax daawasho ah iyo dhanka youtube ay ku jiraan intaas oo muuqaal waloow yuusan qofka leh edit-ka uusan ba ku fiicnayne laakin waxa lagu kala tagay ayaa ah dhabar adayga iyo joogteynta taasna waa mid baahi aad u weyn loo qabo saaxiibayaal in laysku wacyi galiyo. labadaan cashar ayaan kasoo qaatay sheekadaan.

Dhankale hadaad maanta joogteynta bilowdo kaba soo qaad arday ayaad tahay waxaana kugu adag maado ama waxaad rabtaa inaad wax kugu adag aad qaybto, joogteyntu markaas micne aad u weyn ayay kuu samayn kawaran hadaad akhrido maalin walba hal ciwaan ama 2 bog oo ka mida maadadaas kugu adkaatay, maalinta danbe xitaa haddii uu kugu adkaa sharaxaada maadadaas ama fahamkeeda maalinta danbe waad soo fahmaysaa xifdina iskaba daa.

Tusaale sidaan wada ognahay kitaabkeena Qur’aanka ah waxaa noogu taal suurad la yiraahdo al-fatixa, taas oo aynu akhrino maalintii ugu yaraan 17 jeer maalintii sida sharciga ah, xitaa dadka reer miyiga ah ee aan waligood xaadirin dugsi quraan ama meel wax lagu bartana korka ayay ka hayaaan, waxa ay ku xifdinyeena wax kale maahane waa joogteynta ama inay ugu yaraan maalintii rabbigood kula hadlaa in ka badan 17 jeer, marka tusaale adna waxaa kuugu filan suratul al-faatixa.

Haddii aad dooneyso inaad kitaabka QUR’AANKA ah aadku qaybto sidaan waad samayn kartaa bil qabso maalin walbana 1 bog xifdi, dhamaadka bishana waxaad saas ku taqaan hal juz oo qur’aan ah, sanadkii oo ah 12bilood miyaadan qaybi karin 12juz sidaas si lamida haddii qur’aanku uu ka koobanyahay 30juz saas waxaadku qaybi kartaa 2sano iyo 6 bilood, laakin bishardi juzkaad xifdidaba waa inaad carabka ku haysaa ilaa inta uu qalbigaaga uga galayo sida al-faatixada oo kale carabku hayntaasna waxayn noqonaysaa joogteyn.

Si gaara dhalinyada: dhalinyaro dhamaanteen waan ognahay wadankeena shaqo kugu haboon mataal adna waxaad tahay qof waxbartay welina waxaad shaqo u raadinaysaa qaab laga soo tagay adduunku marakan wuxuu u wareegay xaga skills (xirfadaha), taladayda iyo waxaan soowado saaxiib waxaan ku oran lahaa sidaan samee baro xirfad ka dibna ku shaqayso tusaale waxaad barata video editing-ka ka dibna furo youtube chanel halkaas oo aad waxaad taqaan dadka aad kula wadaagayso, waxadna ka samayn kartaa dhaqaale, bil walbana waa sii kordhayaa dakhliga kaasoo galaya hadaad dadaasho, laakin waxa kaliya ee lagaaga baahanyahay waa joogteyn waayo hadaadan joogteyn oo aadan u samrin caqabadaha qaar sida views la’aanta saaxiib masii joogi doontid shaqadaas ah content creation-ka, ama qaab kale ayaad waxaad ula shaqayn kartaa dadka kale sida freelencer ahaan (qaab online ah) inaad dadka shaqo ugu qabato kadibna aad lacag ka qaado.

Gabogabo ⁴ᴷ┇ Dhiirigalin┇2024

Intaas ayaan kusoo kufinayaa qoraalkaan waayo hadaan iska wado waxaan ogahay ayaa ah in aan dhamaynayn faaiidada joogteynta, samankaan maanta la joogana saaxiib waxaad asagaa ku dhaafi karto waa joogteynta ama inaad hawl u dhabar adaygto, haddii aad dooneyso inaad noqoto qof meel iska soo saaro baro qiimaha ay leedahay joogteyntu mahadsanidiin dhamaantii saaxibaayl guuleysa. hadaad waxka faaiiday qaybta comment-ga iigu reeb waayo dhiirigalin ayay ii tahay.


More info

Created by : moha pro / my youtube

related : naf la hadal | dhiirigalin

images : pixabay.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *