Sheeko jacayl ah ⁴ᴷ┇ Ninkii Jacaylkiisa libaaxu ka qaadey ┇Sheeko Xanuun Badan

Qaybaha Sheekada

Qaybta 1aad :Hordhac

sheekadaan waa Sheeko jacayl ah waxaadna ku arkaysaa qiimaha uu jacaylku leeyahay, waxayna ku saabsantahay wiil gabar la baxaya kadibna wuu libaax ka qaaday, waxaadna ku arki doontaa waxyaabo aaad la yaabi doonto laakin ma akhrisan kartaa wax yar oo waqtigaaga ka mida.

Qaybta 2aad : Bilowga sheekada

Sheeko jaceyl ah !! Bari baryaha ka mida ayaa sheeko waxay kala dhexmartey wiil iyo gabar dabadeedna waxay ku heshiiyeen guur, ka dibna waxay go’aan sadeen inay isla baxaan.

Beesha wiilka iyo beesha gabadhuna waa kala fogaayeen oo waxaa loo kala socon jiray maalmo ku dhawaad 2 ilaa 3 beri, madaama aysan jirin wax diyaarad ah iyo wax gaari ah toona waxay go’aanku gaareeni inay lugeeyaan , waxaana dhulka joogay libaax dad cuna, maadaba masaafo dheer la marayo wiilkii wuxuu lasoo watay wiil ina adeerkiis ah si uu gabadha ula baxsho.

Maadaba aysan jirin waxlaysku waco iyo wax lagu wada xiriiro waxay balameen bisha sagaalkeeda markey saacadu xilli danbe ahayd inay iskugu yimaadaan geed weyn oo guriga gadaashiisa ku yaaley.

Waqtigii ayaa la gaaray welibana saacadii ay ku beegneyd, balantu waxayna ahayd waqti ay dadku wada hurdaan , wiilashii waxay yimaadeen geedkii balanta ka dibna gabadhii oo dhiil caano ah iyo biyo sida ayaa utimid labadii wiil markey ka dhargeen ayay waxay ku tiri isuga weelka ayaan celinayaaye , weelkiibay celisay ka dibna weysoo laabatay.

Hadaba halkaan ayuu ka bilowmaday safarkoodii islabaxa.

Cagta ayay wadada saareen isla habeenimadii , habeenkii oo dhanbay sii socdeen , maalintii danbe oo dhanbay sii socdeen , habeenkii danbe oo ay halmaalin u harsantahay intay ka gaari lahaayeen beeshiii wiilka , ayay daal iyo baahi iskugu timid sababtoo ah waxay qatanayeen ama aysan waxcunin mud lagu qiyaasay maalin iyo habeen iyo dheeraad.

Maadaba ay dadkaas daalka iyo baahidu iskugu darsantay ay ahaayeen way kataati-dhaceen(daal inta la daalo laseexdo), waxayna meeshu lahayd libaax dad cuna sidaan ku soo xusney bilowga sheekada, si kasto oo ay ahaadaba labadii wiil iyo gabadhii waa seexdeen meeshaas cidlada ah libaaxuna joogo waxayna ku heshiiyeen ina gadha dhexda gasho labada wiilna docaha ka seexdaan.

Habeenkii saq-dhexe markay ahayd ayaa libaax god weynaaday ku lahaa meesha u yimid wuxuuna qaatey gabadhii, siduu ula sii ordayay ayuu wuxuu la galay godkii ama bohoshii uu meesha ku lahaa, intaas ka dib wiilashii waxba waaka qaban waayeen arintii 😪😪.

Labadii wiil waatashadeen waxayna ku tashadeen inuu midna godka iyo gabadha ka warhayo midna uu u wargeeyo reerihii ay gabadha kasoo kaxaysteen welibana sida ugu dhaqsaha badan.

marka sidee laysku qaybiyay wiilkii gabadha watay ayaa dhahay “aniga jaceelkayga kama tagayo, iyada ayaan ku dhiman, libaaxii iyada cunay haddu rabo ha i cunee”😪😥.

wiilkii kalana waa booday oo wuxuu ukacay reerkii gabadhu ka dhalatay inuu u qaylo-dhaan geeyo (u wargeeyo).

wiilkii gabadha la soo baxay muxuu sameeyay ayaad u malaynaysaa wuxuu sameeyay arin aad u cajiiba oo aanu samaynayn adiga qoraalka akhrisanaya iyo anigatoona, waxkale ma samayne wuxuu sameeyay horta wax hub ah torrey ama abley ayuu watay , maro uu watay ayuu gacanta ku duubtey weliba qaybta hore ee gacanta wuxuuna galay godkii uu libaaxu lagalay jacaylkiisa.

markuu sii xulayay godkii mudo lagu qiyaasey dhorw boqol oo tilaabo ayuu wuxuu taabtey lugtii jacaylkiiisa oo iyaduna markaas mayd ahayd oo waxa cunay jirkeedii qaybka mida libaaxii.

Wax yar markuu sii raacay wuxuu la kulmay libaaxii , libaaxii markuu arkay ninkaas ku soo socda ayuu afka soo kala qaadey, ka dibna libaxii ayuu afka dalaq ugu siiyay gacantii maradu ku duubneyd, markii libaxii afka lagalay gacantii ayuu galka xoqday toorray (abley) uu sitay ka dibna caloosha ka galiyay, ka dibna calooshiisii ayuu toorraydii ku celceliyey ilaa uu libaaxii ka dhintey.

Wiilkii kale ee wargayska ahaa mudo kooban wuxuu ku gaarey reerihii ay gabdha kala soo tageen kadibna wuxuu ku yiri sidaan:

“Gabdhaad weydeen aniga iyo nin aan ilmo adeernahay oo gabdha rabay ayaa ka xaysanay, meel markaan maraynay ayaa libaax naga qaadey , godbuu la galay., isagiina godka qarkiisii ayuu fadhiyay haddana waxaan doonayaa in ciidan laysiiyo ,arintana sidaas ha loo ogaado”😥😏.

Gabadha walaalaheed iyo odaygii yaab ayuu alle u keenay waxlagu hadlo intii la garan waayay ayaa rati waxaa la soo saarey laba haamood oo midna biyotahay midna caanotahay, na dhaqaaji baa la yiri kadibna waxay u yimaadeen ninkii gabadha lasoo baxay oo wada dhiig ah fadhiyana godkii dushiisii,

markay u yimaadeen ayaa waxaa la yiri maxaad haysaa ?,suuye waxkale mahayee laba mayd baan hayaa libaaxiina waa mayd gabdhiina waa mayd.

Waxay ku dhaheen sidee ayay macquul u tahay? wuxuu yiri “waa macquul oo markii saaxiibkey igatagay ayaan intaad maro gacanta ku duubtey ayaan godkii galay ilaa aan sooo diley libaaxii jaceylkeyga diley💔😥“.

sababta uu marada gacanta ugu duubanayo waxkale maahane waa inuu libaaxa afka ugaliyo si uu u dilo libaaxa uu na u dhaawicin gacantiisa libaaxu.

Wuxuuna u raacshey godka dhabarka ka qoda si aad usoo saartaan labada mayd, sidii bay sameeyeen mise labadiiba waa mayd oo waa kuwaan.

Sheeko jacayl ah!!

markaas ayuu intuu layaabay gadha aabaheed ninkaas raganimadiisa ayuu wuxuu dhahay “gabadhii uu la sootagay ee gacantiisa ku dhimatayna waa cafis oo waxba loo maahayso xag alle mooyaane, maadaba uu laba xaniinyood yahay waxaan ku meheriyay oo aan siiyay da’dii ka yareyd”.

Qaybta 3aad :Gabogabo: Sheeko jacayl ah

Marka koowaad bahashaan raganimada la yiraahdo waa loo dhashaa een maahan wax layska baar-baaro, dadkii horena iyo dadka hadda jirana isma gaaraan sababtana weli lama garan oo qofba waxbuu aaminsanyahay.

sidaas si lamida waxaa jirta oraah soomaaliyeed ee oranaysa sidaan ” Ragna waa kii hore hadalna waa intuu yiri “, hadaan isku dayno inaan micnayno oraahdaan waxaan ka fahmaynaa nin walba ninkii ka horeeyay inuu ka raganimo iyo ka adkaysi badnaa, xitaa xaga hadalka oraahdaan way taabaysaa oo waxay “hadalna waa intuu yiri “, oo waxaan ka fahmaynaa in aanu hadal ku gaari karin raggi hore .

dhamaad!!


Related : naf La hadal

writer : mohapro

images : pixabay.com

all rights reversed

One comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *