Xikmado Cajiib ah ⁴ᴷ┇Xikmado ┇Qaybtii 1aad

Hordhac ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

Hubaal ! saaxiibayaal , qormadaan waxaa ah xikmado cajiib ah , kuwaas oo tabanaya meelo badan oo nolosheena ah , hadaad akhridow waxaan jeclahay inaad wax ka faaiidi doonto i a, waxba yaanan hadalkugu daaline waa kuwaane inakeen koobkaaga shaahaana soo qaado.

Bilowga ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

xikmada 1aad ee xikmado cajiib ah : “Markaad dhimato dadku dhmaantood way kuu murugoon muddo lagu qiyaaaso saddex beri, kadibna dadka dhamaantood way ku ilaawayaan , sidaas daraadeed ha u noolaan inaadka farxiso dadkaas ku ilaawi doona”.

xikmada 1aad ee xikmado cajiib ah :“weligaa qof ha ugu kalsoonaan si xad dhaf ah, qofna ha u jeclaan si xad dhaaf ah si xad dhaafana ha u faraxsanaan, sababtoo ah  waxyaalaha xad dhafka ah ugu danbayn waxay dhaawacayaan qalbigeena ”.

xikmada 3aad ee xikmado cajiib ah ::“Nolosha iyo waqtiguba waa macalimiinta ugu wanaagsan addunka, noloshu waxay ku baraysaa qiimaha waqtiga , waqtiguna wuxuu ku barayaa qiimaha nolosha”.

xikmada 4aad ee xikmado cajiib ah :Haddii aad rabto inaad u iftiinto sida qorraxda marka hore u gubo sida qorraxda”.

xikmada 5aad ee xikmado cajiib ah :“ kaga yaabi aamuskaaga, kuna khalkhali natiijadaada ,sababtoo ah hadalka badan waxaa dhaanta la imow natiijo cad oo ay ku quus qaadan karaan”.

xikmada 6aad ee xikmado cajiib ah :“haddii qof iska kaa indho tiro, hala yaabin sababtoo ah  dadka dabeecadooda ayaa ah inay iska indho tiraan waxyaabaha qaaliga ah oo ay doortaan waxyaabaha raqiiska ah”.

xikmada 7aad ee xikmado cajiib ah :“lixdaan shay ee soosocda iska iloow : 1. Seexashada xilli danbe, 2.beel daraynta fursadaha, 3. isdhaafinta hawshaada kuu gaarka ah, 4. dhagaysiga waxyaabaha xunxun, 5.fakarka badan iyo 6.inaad noloshaada ku lumiso waxyaabaha aan muhiimka ahayn ”.

xikmada 8aad ee xikmado cajiib ah :“markey kugu dhahaan seetahay , iska dhoolacadee kuna dheh, alxm , sababtoo ah ma jiro qof si dhaba kuu daryeelaya xitaa hadaad xanuuunsantahay ”.

xikmada 9aad ee xikmado cajiib ah :“waa maxay jaceyl? , jaceylku maahan xiriirka ka dhexeeya wiil foolxun iyo gabar qurux badan , laakin jaceelku waa xiriirka ka dhexeeyaa labadooda qalbi”.

xikmada 10aad ee xikmado cajiib ah :“Weligaa haku kalsoonaan dadka kugu dhahaya erayada dahabka ah , sababtoo ah dadka badankooda bishmahooda waxadka dareemaysa macaan sida sonkorta ah , laakin qalbigooda waxaa ka buuxa sun.

xikmada 11aad ee xikmado cajiib ah :“ waa maxay hooyo? , hooyo waa qofka kaliya  ee sagaal bilood kugu qaadey calosheeda,saddex sanana kugu sidey dusheeda, weligeedna aadku jirayso qalbigeeda ”.

xikmada 12aad ee xikmado cajiib ah :“ Guri bilaa hooyo ah waa madaw, nolol bilaa aabe ahna waa madaw sidaas daraadeed  labada qof ee nolosheena micnaha u yeela waa labadeena waalid”.

xikmada 13aad ee xikmado cajiib ah :“ Ha jeclaan qof kuula muuqda inuu yahay qof weji qurxoon , een jeclow qofka noloshaada ka dhigi kara wax qurux badan , sababtoo ah murug la guma badalan karo farxad”.

xikmada 14aad ee xikmado cajiib ah :“ Haka maseerin markaad aragto asagaa oo kaa sareeya xaga hormarka ama hawl aad wada qabanayseen kugu dhaafey,kaliya waxa lagaa rabo waa hormari hawlahaaga khaas ah ee kuu qoran inaad samayso , ogowna guushu waa dagaalka u dhexeeya adiga iyo naftaada “.

xikmada 15aad ee xikmado cajiib ah :“weligoodba saddex mar ayay wiilshu ilmeeyaan: 1.markey arkaan waalidkood oo ilmeynaya, 2.markey si dhaba gabar u jeclaadaan kadibna ay ka tagto, 3.iyo Markay arkaan walaashood oo la aroosayo”,

xikmada 16aad ee xikmado cajiib ah :“I jecloow ama I necboow labadaba waa xiisahayga, sababtoo ah hadaad I necebtahay waxaan ku jirayaa maskaxdaada . hadaad I jeceshahayna ,waxaan ku jiraa qaalbigaaga”.

xikmada 17aad ee xikmado cajiib ah :“haka fakarin shalay ,kaliya ka fakar berri , sababtoo ah berri waa fursadii aadku sixi lahayd khaladaadkii aad shalay gashay”.

xikmada 18aad ee xikmado cajiib ah :“markaadan haysan wax lacag ah dadku waxay ku dhahayaan:  yaad tahay , laakin markaad lacag haysato dadku waxay ku dhahayaan (seetahay )”.

xikmada 19aad ee xikmado cajiib ah :“Saddexda xeer ee dahabka ah ee nolosha waa  :1.daadkii ku caawiyay waqtigii adkaa ,weligaa ha ilaawin, 2. Qofkii ku jecel, weligaa ha khiyaamin, 3. Qofkii kugu kalsoonaa, weliga yuusan ku qoomamayn kalsoonidii uu kugu kalsoonaaday ”.

xikmada 20aad ee xikmado cajiib ah :“midabka madawga ah sida caadada ah waa midab xun, laakin sabuurad walboo madaw waa meesha ay waxku bartaan arday walboo aqoon leh oo diintiisa ,dadkiisa iyo dalkiisaba anfaca”.

xikmada 21aad ee xikmado cajiib ah : Had iyo jeer waxaad raadisa qofku xushmaynaayo, sababtoo ah xushmadu waxay ka wanaagsantahay jacaylka.

xikmada 22aad ee xikmado cajiib ah : Inaad kali ahaan noolaato waxay kawanaagsantahay inaad la nolaato dad aan daacad ahayn, kuwaas oo ku neceb laakin kuula dhaqmaya muuqooda sare inay ku jeclihiin.

xikmada 23aad ee xikmado cajiib ah : noloshu waa gabantahay joogi waqtiga aadku luminayso dadka sunta ah.

xikmada 24aad ee xikmado cajiib ah : Jeeb maran, calool gaajaysan iyo qalbi dhawaacan waxay ku bari karaan casharka ugu wanaagsan ee nolosha .

xikmada 24aad ee xikmado cajiib ah : Dhoola cadayntu waa daawada ugu wanaagsan ee dhibaato walba, marka marwalba dhoola cadee.

xikmada 25aad ee xikmado cajiib ah :u aqbal dadka sida ay yihiin kasii booska ay noloshaada uga qalmaan sababtoo ah waxaad tahay maamulaha noloshaada.

xikmada 26aad ee xikmado cajiib ah : xaajiga wanaagsan maahan kan qaniga ah ee waaka garanaya qiimaha ey leedahay xaaskiisu.

xikmada 27aad ee xikmado cajiib ah : waxa adduunka ugu quruxda badan waa inaad aragto waalidkaa oo faraxsan kuna faraxsan sabab aad adiga ka danbaysay.

xikmada 28aad ee xikmado cajiib ah : inaad kaligaa lugayso waxay ka fiicantahay inaad la lugayso dad badan oo u socda jiho khaldan.

xikmada 29aad ee xikmado cajiib ah : Qofka ku dhaawacay u dhoola cadee kuna dheh waadku mahadsantahay inaad i siiso fursad aan ku raadsho qof adiga kaa fiican.

xikmada 30aad ee xikmado cajiib ah : markaad sibuuxda qof ugu kalsoonaato ugu danbayn laba mid : qof sax ah ayaad baran ama cashar ayaad ka baran.

xikmada 31aad ee xikmado cajiib ah : tani waxay quseysaa ragga dumarka badan shukaansada dooro hal gabar oo u sacabo tumaysa guushaada markaad khalad gashana ku dharbaaxaysa.

xikmada 32aad ee xikmado cajiib ah : xiriirku waa sidii shimbir aad qabanayso oo kale hadaad xoog u qabato waa dhimanayaan,sidoo kale hadaad aayar u qabatana waa kaa duulayaan , laakin hadaad iyaga u qabato si naxariisle waa kula joogayaan kamana tagi doonaan inta noloshooda ka dhiman.

xikmada 33aad ee xikmado cajiib ah : dulqaadka iyo aamusnaantuba waa laba shay oo aad u awood badan, Dulqaadku : wuxuu kaa dhigaya mid maskax ahaan aad u awood badan, Aamusnaantuna: waxay kaa dhigaysaa mid dareen ahaan aad u awood badan .

xikmada 34aad ee xikmado cajiib ah : xiriirku maahan inaad haysato wiil qurux badan oo jacayl kaaga ah, mana ahan inaad eegto qof wanaagsan, sababtoo ah ma jiro qof wanaagsan oo dhan walba dhamayska ah, mana ahan inaad doorato qof hanti leh sababtoo ah hantida jacayl laguma gadan karo, sidaas daraadeed xiriirka micnihiisu waxaa weeye: waa inaad hesho qofku xushmaynaya, ku daryeelaya kuna fahmaya xaalad walba oo aad ku sugantahay, kuguna faanaya inuu adiga ku haysto, sidoo kalena kugu jecel sida aad tahay.

xikmada 35aad ee xikmado cajiib ah : Qofna haku khasbin noloshaada inuu ku jiro kaliya xasuusnoow dadka ku jecel kaama tagi doonaan waligood marwalbana waxay helayaan sabab ay ku doorteen inay noloshaada ku jiraan.

xikmada 36aad ee xikmado cajiib ah :Nin xikmadiiste ah ayaa wuxuu yiri : waxaan nolosha weydiiyey sababta ay u adagtahay ?, noloshiina intay dhoola cadaysay ayay waxay tiri waxaan u adkahay wax kale maahane waa dadku ma qadariyaan waxyaabaha fudud anna hadaan fududaan lahaa layma qadariyeen.

xikmada 37aad ee xikmado cajiib ah :weligaa qof ha u aaminin qaab indho la’aan ah sababtoo ah qof walba qalbigiisa waxaa ku jira qof aadan ogayn.

xikmado

xikmada 38aad ee xikmado cajiib ah :hadaad waqtigaaga ku lumiso inaad qabato balan-baalis , way adagtahay inaad qabato sababtoo ah hadba way kaa duuleysaa, laakin kawaran hadaad beer qurux badan beerato si ay balan-baalistu kuugu timaado, sidaa si lamida hadaad diirada saarto horumarinta naftaada qof walba wuxuu doonayaa inuu adiga kuu yimaado si noloshaada quruxda badan qayb uga qaato,

xikmadaan waxaa ka fahmayno ayaa ah hadaad maanta la qalbi jabsantahay ruux aad u jeedo in uusan wax dana kaa lahayn adiga, kaliya iska daa calaacalka faraha badan, ku dadaal horumarinta naftaada , marwalba oo aad guul gaartana waa marwalba oo ay badato baahiyaha ay dadku kuu qabaan.

xikmada 39aad ee xikmado cajiib ah : Naftaada ka tirtir dadkii xumaa ee aad wax ugu dartay, sida ugu dhaqsaha badana u ilow , aqbalna inaad khaladka gashay naftaada, dibna u cusboonaysii noloshaada

Gabogabo ⁴ᴷ┇xikmado Cajiib ah ┇moha pro

xikmado

waa intaas qaybta qormadaan aan ugu talo galay ,waxaan jeclahay inaad wax uun ka faaidey, igana raali ahaada masheegin oraah walba iyo ninkii yiri sababtoo ah lama hubo raggi yiri laakin waxaa muhiim ah inaan wax ka faaidney, muhiimaduna waa faaiidada hadaad waxka faaiday qaybta commentiga wax noogu soo qor, lana soco qaybaha soo socda insha allah mahadsanid.


creator : moha pro / YOUTUBE LINK

images : pixabay.com

related : xikmado cajiib ah

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *