Naf La Hadal ⁴ᴷ┇ Dhiirigalin┇2024 

Hordhac ⁴ᴷ┇ Dhiirigalin┇moha pro

Asc saaxiibayaal Qoraalkaan waxaa kugula wadaagayaa, 10 oraahood oo dhaxal gal ah kuwaas oo loogu magac dagaray naf la hadal, intaas waxaa dheer iyagoo cod ah waxaadka daalacan kartaa qaybtaan hoose welibana iyagoo muuqaal ah , oraahyadaan waa dhiirigalin aadku kula hadlayso naftaada sida hadaad naftaada la dadaalayso si aad guul u gaarto, dhiirigalinta aad naftaada siin karto si ay u ilowdo dhibkii badnaa waxay noqon inaad ku dhiirigaliso naftaada hawshaas badan ee aad qabanayso inay guulku gaarayso asaageedna ay ku dhaafi doonto, oraahyadaan waa sidaan oo kale , waxaadna ku arkaysaa qoraaalkaan hoose i a, waxaana rabaa inaan ku dhoho soo qaado shaahaaga ahlan waslan yaa axbaabii.

Magacaygu waa mohamud abshir waxaan ahay blogger & youtuber, waxaana baraha bulshada badanaa kusoo galaa Magaca : MOHA PRO, waxaan soo gudbiyaa muuqaalo inta badan ah dhiirigalin , xikmado , maahmaahyo iyo marmar muuqaalo ama qoraalo la xiriira arimaha shukaansiga ama jacaylka😂.

Bilowga ⁴ᴷ┇Naf la hadal┇ Dhiirigalin 2024

Oraahda 1aad ee Naf la hadal┇ Dhiirigalin : Oraahdan waxaan isku dayayaa inaan naftayda aankala dardaarmo inay iska dhaafto, dadka aan qiimaheeda garanayn ee ay iyadu jeceshahay:”Naftaydaay Gacalo ,Jooji waqtiga aadku luminayso qof aan garanayn qiimahaaga, qofkaas oo adiga kuula muuqda inuu yahay dheeman , laakin qofkaas waxaa laga yaabaa inuusan wax qiimo ah kuuhayn”

Oraahda 2aad ee Naf la hadal┇ Dhiirigalin : Oraahdan waxaan ugu sheeegayaa naftayda inay garato sababtii ilaahey u abuurtey waxaana ku iri sidaan :“Naftayday gacalo , Ka faaiidayso waqtigaaga garana in addunkaan laguu keenay cibaadada eebe iyo raali galintiisa, Laakin laguuma keenin inaad waqtigaaga ku lumiso waxaan munaasab ahayn sida shukaansiga dadka sunta ah”

Oraahda 3aad ee Naf la hadal┇ Dhiirigalin : Oraahdan waxaan isku dayayaa inaan naftayda aan kala dardaarmo inay iska dhaafto, dadka aan qiimaheeda garanayn ee ay iyadu jeceshahay waxaana ku iri sidaan :Naftaydaay gacalo, Iga raali ahaw hadaan waqti waqtiyada kamida gaarey go’aan aanan kaala tashan kadibna aanka qoomameeyay go’aankaas aan kala tashan”.

dhiirigalin

Oraahda 4aad ee Naf la hadal┇ Dhiirigalin : Oraahdaan waxaan ugu sheegayaa naftayda in ay jiraan dad badan oo aad u niyad jaban ama qalbiga ka dhaawacan anna waxaan ku iri sidaan :Naftaydaay gacalo, Dadka qaarkood ma soo bogsoodaan, maadaaba ay qalbiga aad uga dhawaacanyihiin oo ay soo hormarayaan xasuusihii hore , marka iska iloow wixii hore ee kusoo maray kana tirtir qalbigaaga dadkii qiimahaaga garan waayay oo xitaa aad halsaac oo noloshaada kamida aad siisey”

Oraahda 5aad ee Naf la hadal┇ Dhiirigalin : Oraahdan waxaan isku dayayaa inaan naftayda aan ugu sheego in noloshu kali tahay waxaana ku iri sidaan: Naftaydaay gacalo, Waxaan rabaa arrin xanuun badan inaan kuu sheego , Ma ogtahay in adiga oo kaligaa ah aad dhalatay, adigoo kaligaa ah lagu xisaabayo markii qabriga lagu dhigo , kadibna kaligaa lagu soo toosinaayo si dhawr su’aalood laguu waydiiyo , marka sidaas daraadeed weligaa qof haku xirin noloshaada maadaaba ay noloshu kali ku bilowmato kuna dhamaato kali”

Oraahda 6aad ee Naf la hadal┇ Dhiirigalin : Oraahdan waxaan isku dayayaa inaan naftayda aan ugu sheego in haday waxay jeceshahay aan udiidey , aysan micneheedu ahayn inaan guul u diidey ee ay micneheedu tahay in diid madaas aan wax u diiday ayba guul tahay :Naftaydaay gacalo ,Igu qaado hadaan waqti waqtiyada ka mida hurdo kaa kacshay si aan cibaadada ebbe u guto? Sababtoo ah cibaabadu waa waxa kaliya een addunkaan naloo keeenay marka anigoo mustaqbalkeena danbe unaxaya ayaan hurdada kaa kacshey si aan ebbe subxaanuhu watacalaa aan uraali galino

dhiirigalin

Oraahda 7aad ee Naf la hadal┇ Dhiirigalin :Oraahdan waxaan isku dayayaa inaan naftayda aan ugu sheego haday aragtay qof asaageed ah oo nolosha hormarka gaarey haday aragto inaysan ka xumaan:” Naftaydaay gacalo Haka maseyrin markaad aragto asagaa oo ka faaidaystey waqtigooda  isbadal nololeedna sameeyay, waxa anaga naga reebay waxkale maahane waxaa weeye anagoo wada socona oo iskaa shanayna ayaanu ka faaidaysan waqtigeena qaaliga ah ee ebbe nasiiyay swt”.

Oraahda 8aad ee Naf la hadal┇ Dhiirigalin :Oraahdan waxaan isku dayayaa inaan naftayda aan ugu sheego khasaaraha ka imaan kara dhafarka iyo soojeedka, waaxaana ku iri sidaan: “Mataqaan sababta aan mobilkayga udamiyo adigoo jecel niyadana ku haya inaad smska kuuso dhacay aaadka jawaabto. Waxkale maahane waxaan ka baqayaa inuu caafimaadkaaga waxyeeleeyo, ka dibna aad iga xanuunsato , ka dibna dadkii ku jeclaa ee fariimahaas kuu soo qorayay ay kaaga tagaan xanuunkaas  uu sababay soo jeedkoodu”.

Oraahda 9aad ee Naf la hadal┇ Dhiirigalin :Oraahdan waxaan isku dayayaa inaan nafatyda ugu sheego samirku inuu cajiib yahay, waxaana ku iri sidaan:“Naftaydaay gacalo, Iska samir marka lagu canaanayo , sababtoo ah ilaahay wuxuu quraankiisa kariimka ah ku yiri waxaan  la jiraa kuwa samra “.

Oraahda 10aad ee Naf la hadal┇ Dhiirigalin : Oraahdan waxaan isku dayayaa inaan naftayda aan ugu sheego sababta aan u canaanto waqtiyada adag;“Naftaydaay gacalo , Ma ogtahay sababa aan kuu caanaanto waqtiyada adag sababtoo ah waxan ogahay hadaanan anigu ku caanan waxaan ogahay inaysan cidkale ii kaa canaanayn si aanu horey ugu socono”.

Gabogabo ⁴ᴷ┇Naf la hadal┇ Dhiirigalin 2024

Qoraalkaan kooban waxaan ugu magacdaray naf la hadal waxaana naftayda u sheegay waxyaalo badan oo ay dhib u aragto inay iyada faaiido ugu jirto, sababtaan naftayda ula sheekaystayna waxkale maahan waa saaxiibka iigu dhow kaas oo aan horumarku gaari karo adduun iyo aakhiraba ficilada kooban ee ay maanta samaynayso, hadaadan maanta naftaada la hadalna ma jiro ruux kuula hadlaya oo ku dhahaya naftaada faaiido halkaan uguma jirto dadka ugu dhow een nolosheena wax noosheegana waa waalidiinteen intii dhimatayna allah ha u naxariistee intii noolna ilaahay cimrigooda ha u barakeeyee dadka soo raaca waa culimadeena intaas nagu le aakhiro u sahay qaata intaas ayaan kusoo kufin qoraalkaan hadaan idinku dheereeyayna ka raali ahaada culimo.


dhiirigalin

creator : mohapro / youtube link

images : pixabay

related : Sidee guul loo Gaari karaa ⁴ᴷ┇ Dhiirigalin┇2024 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *