Erayo jacayl ah Oo Naxariis Badan ⁴ᴷ┇jacayl┇Qaybtii 3aad

Hordhac ⁴ᴷ┇Erayo Jacayl ah┇ moha pro

Haddii aad ku dhibanayd helida erayo jacayl ah oo aad u qiim badan hubaal qormadaan waxaa ku sugan erayo jacayl ah oo i a aad baahiyahaagii kaga bogan karto, sidoo kale fariimahaan waxaadku quruxsan kartaa shukaansigaa si aad waqti qurux badan aad uwada qaadataan qofkaaga.

Magacaygu waa Mohamud Abshir waxaan ahay youtuber (content creator ) iyo blogger waxaana inta badan social media kusoo galaa moha pro. waxaana soo gudbiyaa muuqaalo ka kooban qaybahaan soo socda : Maahmaayo, xikmado dhiirigalin iyo marmar muuqaalo quseeya shukaansiga sida qoraalkaan aad akhrinayso oo kale, Youtube name : MOHA PRO website-name : mohaproreviews.com ,kuna soo dhawoow fariimahaas shukaansiga ama eraydaas jacaylka ah ee cajiibka ah.

Bilowga ⁴ᴷ┇Erayo Jacayl ah┇ moha pro

Fariinta 1aad ee Erayo jacayl a : “Aadumuhu in uu noolaado wuxuu u baahan yahay hawo, cunto iyo biyo, laakin aniga waxaan u bahanahay dhoolacadeyntaada farxada leh iyo in aad hab isiiso.”

Fariinta 2aad ee Erayo jacayl a : “waxaan raba inaan nolosheyda bilow ilaa dhamaad kugu koobo waayo waxaad tahay ruuxaan adduunkaan ugu jeclahay mcn.”

Fariinta 3aad ee Erayo jacayl a : “waxaad tahay qofka kaliya ee micnaha jacaylka i baray waxaadna qaab bilaash ah igu siisay cashar aan jaamacadaha iyo school-da lagu baran , sidaas daraadeed thank you qalbi “

Fariinta 4aad ee Erayo jacayl a : ” ma ogtahay marka kaliya ee aan aamino inaan haysto qof ka wanaagsan dadka dhamaan, waa marka aan arko sidaad ii ixtiraamayso iigu naxariisanayso qalbi “

Fariinta 5aad ee Erayo jacayl a : ” waxaad tahay dhab ahaantii ruuxa aan ku dagay noloshaydana qiimaha u yeelay, waanku jeclahay mcn “

Fariinta 6aad ee Erayo jacayl a : “Hadii uu jiro dhaqtar daaweeya xanuunada ku dhaca bini aadamka , adiga waxaad tahay ruuxa iga daaweeya xanuun walba oo aan dareemo welibana qaab fiiri ah adiga oo aan iga qaadayn wax kharash ama lacag ah thanks mcn”

Fariinta 7aad ee Erayo jacayl a : “nasiib uma yeelan inaan barto dad badan oo iila dhaqma qaab bilaa naxariis ah laakin waxaan bartay ayaa ah hal qof oo ka qiimo badan boqolaal qof waana adiga mcn”

Fariinta 8aad ee Erayo jacayl a : “waxaad ii tahay hooyaday 3aad waayo waxaad tahay ruuxa marwalba iiga fakara sida waagaan yaraa hooyaday iiga fakari jirtey ” .waaku weydiin kartaa yaaweeye labada hooyo ee iga horeeeya ? ku dhe sidaan ” labada hooyo ee iga kaa horeeya waa hooyaday iyo hooyadaa “

Fariinta 9aad ee Erayo jacayl a :Dhoola cadeyntaada oo kaliya ayaa ifin karto qalbigeyga ee macaaneey halmar oo kaliya ii dhoolacadeey.”

Fariinta 10aad ee Erayo jacayl a : “nolosha ayaa ah wax iska kooban , mana jiro ruux noloshaan la siiyay, laakin maxaa ka qurux badan anagoo adduunkaan xuska rabbi gacanta ku haysana aakhirana janada isku weheshan oo xuurul cayno isku noqona mcn .”

fariinta 11aad ee erayo jacayl ah : Waxaan iska dhaafay la hadalka gabdhaha asaagaa ah waayo waxaad ii tahay naftayda naftii fahmaysay Qalbi.

fariinta12aad ee erayo jacayl ah :Ka hor intaan adiga ku baran waxaan ka walwali jirey, helida qalbi wanaagsan, hadeer oo aan helayna waxaan ku fakaraa saan u ilaashan lahaa, qofkalena mahane waa adiga qalbi.

fariinta 13aad ee erayo jacayl ah :Waxa kaliya ee I cajabiyay ayaa ah sida markaan taladaada u baahdo aad ii siiso talo macquul ah, anna waxaan rabaa inaan weligay kula joogo si aan kuula tashto adduunkaan iska imtixaanka ah qalbi.

fariinta 14aad ee erayo jacayl ah :Oraah ayaa ahayd “ ninkaa gabar fiican weligaa gaari mayso “ anna waxaan arkaa inaan rag badan dhaafay hadaanan ba number 1 noqon , taasna mahadeeda adaa leh ilaahay ka sokow qalbi.

fariinta 15aad ee erayo jacayl ah :Kawaran cureedana hadaan ugu magac darno hooyaday 2aad (hooyadaa), waayo la’aanteed halkaan masoo gaarteen, anna adiga ku ma heleen oo saan oo dhan u wanaagsan Qalbi.

fariinta 16aad ee erayo jacayl ah :Ma rabo weligay inaan gaaro go’aan aan kaala tashan, waayo la’aantaa dhamays maahi Qalbi.

erayo jacayl ah

fariinta 17aad ee erayo jacayl ah :Haddii qorraxdu soo baxdo si ay hawlo badan noogu qabato sida inay noo iftiimiso maalinteena , waxaad tahay ruuxii nolosheyda ii iftiiminaayay Qalpi .

fariinta 18aad ee erayo jacayl ah :Marmarka qaar waxaan kugu yeero ayaa ah tuugada qalbiga, waayo marwalba oo aan sii seexanayo ama aan soo kacayo qofka aan ka fakarayo waa adiga Qalbi.

fariinta 19aad ee erayo jacayl ah :Waxad tahay qofka whatsapp pin-ku ii saaranyahay si aan mawalba u arko fariintaada waayo fariintaada ayaa daawo iigu filan.

fariinta 20aad ee erayo jacayl ah :Waan ku jeclaaday ilaa xad waanku ciseeyaa ilaa xad sababtaasna waxaan u malayn inaad tahay qofkii nolosheyda u qalmay.

fariinta 21aad ee erayo jacayl ah : Maalmaha adduunyadu waa socdaan, laakin maalinta aan ugu farxad badanahay waa malinta aad feedhayda joogto qalbi.

fariinta 22aad ee erayo jacayl ah : nolosheydu waa halkan hagaha ama yoolka aan leeyahayna uu adiga yahay markii laga soo tago xaqa ilaahay iyo xaqa waalid.

fariinta 23aad ee erayo jacayl ah : adaan kuu dhaafay saaxiib fariintaan hadaad hayso fariin lamida kuwaan kore oo kale qaybta commentiga camiro qaadana lambarka 23aad ee erayo jacayl ah .

Gabogabo ⁴ᴷ┇Erayo Jacayl ah┇ moha pro

xalka ay xalinayaan fariimahaan waa shukaansi bilaa dareen ah marka hadaad haysato qof kuu nugul kula dareen ah ku dheh fariimahaan quruxda badan aragna wuxuu kugu dhoho. sidoo kale saan jeclahay ama aan umalaynaayo eraydaan wax uun ayaadka faaiiday, sidoo kale aniga oo tix galinaya dareenkaaga waxaan ku siiyay jaanis ama fursad aad ku sheegi karto ra’yigaaga hadaad oran lahayd waqtigii iga lumisay ama waankaa faaiidey qabta commentiga iigu reeb aragtidaada mahadsanid akhrista quruxda badanow.


More info

Creator : moha pro / youtube link

related : Erayo jacayl ah

images : Pixabay.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *