Samee 5 Qodob kuna Abuur Jacayl ⁴ᴷ┇ jacayl┇2024

Hordhac ⁴ᴷ┇ Jacayl ku beer┇moha pro

Aan dhahno qof ayaad isbarateen waqti kadibna waxaadka heshay qofta balse iyadii weli wax ka helitaana weli kuuma muujin adiga, waxaad adigana rabtaa inaad qoftaas soo jiidato oo ay kaasoo daba cararto, hubaal taas waa wax dhici kara hadaysan qofkale jeclayn, hadaba si aad qoftaas jacayl waaliya ugu beerto waxaad samaysaa waxyaabahaan soo socda.

haday saastahay waxaan rabaa inaan qormadaan kugula wadaago waxaad samayn lahayd, si aad jacaylkaas waalida ah ugu beerto iyada ama isaga. waana kuwaane akhris wacan laakin bishardi : waa inaadan u adeegsan qof aadan wax dana kala lahayn waayo qalbigisa oo aad dhowrto qofkaas waa muhiim.

jacayl

Bilowga ⁴ᴷ┇ Jacayl ku beer┇moha pro

Qodobka 1aad ee jacayl ugu beeri karto : Xadid inta aad lahadasho iyada:

Tan micnaheedu waa inaadan xiriirin ama aadan fariin udirin maalin kasta, waa sida inaad gadaal uga jiidanayso oo kale, hadana adigoo iyada raba ayaad hadana iska dhigaysaa qof aan rabin oo hadana wax dana kala lahayn iyada, qoftu waxay su’aalo iska weydiin doontaa ilaa inta aad xiisayso ama aad rabto iyada, maadaaba ay dadka badankoodu rabaan waxyaabaha aysan heli karin, farsamadaan qofta inaadku soo jidato ayay keeni doontaa.

Dhanka Kale waxaa ka mida marmarka qaar inaadan fariimaheeda uga jawaabin, marmarka qaarna aad iska baxdo adiga oo iyada lahadlaya, khaasatan markuu wada sheekaysigu meel macaan idiin maraayo, Laakin waa inaad cududaar aadku baxdo siisaa ka dibna aadka carartaa xitaa adiga oo ubaaahan la sheekaysigeeda, iyaduna waa kaa fakari doontaa hadaad marmar badan sidaan yeesho.

Qodobka 2aad ee jacayl ugu beeri karto : Foorjeey ama dhib iyada ,Haddii aad khadka iskala hadashaan oo ad fursad u hesho inaad foorjeyso ama aad dhibto samaytaas dumarku waxay jecelyihiin ninka aan cabsan oo sheegi kara wuxuu aaminsanyahay, markaad tahay nin aan cabsan oo iyada ku dhihi kara waxwalba dhab ahaantii waykaa heli doontaa, Midda kale iskuday inaad dhibto kamana wado dhibka maraxnimada ah , laakin dhibka iska caadiga ah ee shukaansiga ka hadlayaa, misne soo lama dhihi jirin qofka ku dhiba waa qofka ku jecel, haddii aad la kaftanto dhibtana iyada waxay ogaan dooontaa inaad tahay qof xiiseeya iyada , taas oo keeni doonta in iyadan si lamida ku xiiseyso.

Qodobka 3aad ee jacayl ugu beeri karto : Nolol yeelo,Haddii aan tahay qof aan waxba qaban wey adagtahay inay dadka kaa helaan xitaa haddii aadan shaqayn waxaa jira waxyaabo kale oo xiiso leh oo aadku mashquusho, haday kuweydiiso xagee ayaad ku mashquushey adiga ayaa garanaya sidaad suashaas uga jawaabi lahayd hadaad dhihi lahayd hawlahayga gaarka ama wixii lamida , nolol yeelo qoftaan haka dhigin hadafkaaga koowaad ee nolosha. laakin hadaad iyada shaqo ka dhigato oo aad marwalba ka sugayso fariin ama inay kula hadasho saaxiib sidaas maahan shukaansigu, dumarkuna ma xiiseeyaan ninka marwalba la heli karo ama isagu raba inuu marwalba iyada la joogo.

Qodobka 4aad ee jacayl ugu beeri karto : Ha noqon Qof Marwalba la heli karo ,Dadku badankoodu waxaan La heli karin ayay rabaan , haddii aad tahay qof 24saac diyaar u ah inuu qofta la hadlo ama uu call-la galo saaxiib khalad weyn ayaad ku jirtaa, waana taas sababta gabdhaha badankoodu iyaga oo adiga ku raba ay daad isku ad adkeeyaan, anyway markasta qof la heli karo ha noqon, markastana qof iska maqan ha ahaan si aan laguu iloobin.

Qodobka 5aad ee jacayl ugu beeri karto : Noqo qofka ugu horeeya ee baxa waqtiga shukaansiga,Marka aad qof shukaansanayso badanaa waxaad sugtaa inta ay qofta ka caajisayso ama ilaa uu hadalku ka istaagayo, waa inaadka tagtaa qofta ama aad macasalaamaysaa qofta inta uu hadalku kulul yahay, u sheeg inaad waqti ama wada sheekaysi qurux badan la qaadatay iyada hadana ay tahay waqtigaad bixi lahayd.

shukaani

Gabogabo ⁴ᴷ┇ Jacayl ku beer┇moha pro

Aad bay u wanaagsantahay in qoftaada ku xiiseyso mudada shukaansiga lagu gudo jiro, marka ano tixgalinaya arintaas waxaan jeclaadey inaan qormadaan kooban kugula wadaago dhowr qodob oo sabab unoqon kara in xiriir xiiso leh uu idinka dhaxeeyo adiga iyo qoftaada, si aad xiriir micne samaynaya aad usamaysaan ama xiriirkiinu u sii waaro, hadaad isleedahay waxbaa laga faaiidayaa waxaan jeclaan lahaa inaad qaybta commentiga ra’yigaaga igula wadaagto , si aan ra’yigaagana wax uga ogaado , intaan qormadaan oo kale ku kulmayno salaama saaxiib


more info

created By : moha pro / youtube link

related one : sheeko jacayl ah.

images : pixabay.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *